Gobolka Bari : 4 qof oo geeriyootay kadib markii ay cabbeen biyo la rumaysan yahay inay sumaysnaayeen.

Gobolka Bari : 4 qof oo geeriyootay kadib markii ay cabbeen biyo la rumaysan yahay inay sumaysnaayeen.


Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe ee gobolka Bari ayaa sheegaya in 4 qof ay u geeriyoodeen biyo ay ka cabeen ceel-biyood ku yaal degaankaasi oo laga shaki qabo inuu sumaysnaa, 15 qof oo kale ayaa xaaladoodu liidataa oo 7 qof ay isku qoys yihiin, kuwasoo 5 ka mid ah oo saddex ay caruur yihiin la dhigay Isbitaalka Bilcil ee magaalada Carmo.

Dr Maxamed Yuusuf Maxamed oo ka mid ah dakhaatiirta wax ka daawaysay dadka ayaa idaacadda VOA u sheegay in 10 ka mid ah dadka biyaha ku sumoobay ay weli ku sugan yihiin tuuladda Timirshe.

“saaka, saacadu markay ahayd 11kii ayaa waxaa la noo keenay 5 qof oo aad u jiran, markii aan baarnay waxaa la noo sheegay inay biyo sumaysan cabeen. 5 maalmood ayay meesha ku shubmayeen oo matagayeen, labo qofna waa laga yimid oo isku hal reer” ayuu yiri dr Maxamed

Ceel-biyoodkan ayaa dadka ku sumoobay yihiin reer miyi ku nool buuralayda Golis ee gobolka Bari taasoo ay adag tahay in gaadiidku uu maro ama gaar gaar deg ah la gaarsiiyo.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa weli ka hadlin dadkan dhibaatadda ka soo gaartay biyaha ay cabeen, sidoo kale cid kale oo cadayn kartaa in biyaha ay cabeen in la sumeeyay ama yihiin waxyaale kale oo meesha ka abuurmay.
Developed by Jago Desain