Posts

WAR DEGDEG AH:akhriso Liiska gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo lagu dhawaaqay.


waxaa goordhawayd la shaaciyay magacaabista Gollaha Wasiiradda Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay laga dhawrayay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka dib markii 18 July 2017 xasaanada kala noqdeen Baarlamanka Puntland.

Wasiirada ka maqan liiska loo soo gudbiyay warbaahinta waxaa ka mid ah Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Cabdi Jamaal, Wasiirkii Haweenka Aniso Xaaji Muumin iyo Wasiirkii Dulliska Hawada Xasan Cade oo saddexda ka mid ah wasiirada ugu shaqada badnaa uguna daacadsanaa golihii wasiirda ee barlamaanku riday

Wasiirkii horre ee beeraha iyo waraabka Tima-cade ayaa ka mid ah Wasiirada xilalka muhiimka ah ka qabanaya Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli , waxaana loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga, Halka Gudoomiyihii Gobolka Karkaar Cabdilaahi Dhaqaaje loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wallow masuulkii horey u joogay booskaas loo bedelay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, halka Wasiirkiii hire ee Howlada guud C/rashiid Maxamed Xirsi  loo magacaabay Wasiirka Kaluumeysiga iyo KHeyraadka badda.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay golihiisa Xukuumada, ka dib markii 18-kii bishii lasoo dhaafay ay waayeen codka kalsoonida ee baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubno gaaraya 53 wasiir, oo iskugu jira Wasiiro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiiro kuxigeeno, waxayna hadda sugayaan codka kalsoondia ee golaha Xukuumada.

HOOS KA AKHRISO LIISKA OO DHAMEYSTIRAN



  1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta
  2. Cabdullaahi Ali Xirsi Timacade- Wasiirka Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horuumarinta Reer miyiga
  3. Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dolow Wasiirka Amniga & DDR-ta
  4. Cabdullaahi Siciid Caarshe- Wasiirka Maaliyada
  5. Shire X Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah
  6. Abshir Yuusuf Ciise- Wasiirka Waxbarashada, Barbaarinta Tacliinta Sare
  7. Cabdifitaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka, Faderaalka iyo Dimuquraadiyadda.
  8. Cabdinaasir Cismaan Ciise Wasiirka Caafimaadka
  9. Cabdiramaan Barkhadle Wasiirka Howlaha guud Gaadiidka iyo Guryeynta
  10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha & Amniga Baddaha
  11. Axmed Cilmi Karaash Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
  12. Maryan Axmed Cali- Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska
  13. Cabdi Xirsi Qarjab- Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha Dhaqanka & Dalxiiska.
  14. Cabdiweli Xirsi Indho Guran- Wasiirka Gananacsiga & Warshadaha.
  15. Cabdilaahi Sh Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
  16. Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe Wasiirka Beeraha & Waraabka
  17. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta & Dalxiiska Puntland
  18. Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka
  19. Cabdikhadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dibu dhiska dalka & Horumarinta
  20. Cabdiraxmaan Sh Axmed Maxamed Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha,dhalinyarada & Ciyaaraha


Wasiiru dowlayaal

  1. Cabdirashiid Cali Geelle- Wasiiru dowlaha Xanaanada Xoolaha
  2. Axmed Cilmi Cawaale- Wasiiru dowlaha Qorsheynta & Xariirka caalamiga
  3. Burhaan Cilmi Xirsi Wasiiru dowlaha Xariirka Caalamiga ee Madaxtooyada
  4. Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan- Wasiiru dowlaha Xariirka Gobalada ee Madaxtooyada
  5. Axme SIciid Cabdiraxmaan- Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Amniga baddaha
  6. Sayid Cumar Guuleed- Wasiiru dowlaha Caafimaadka
  7. Cabdiqani Geelle Maxamed- Wasiiru dowlaha Duulista Hawada iyo garoomada
  8. Cali Yuusuf Cabdi Giir- Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horumarinta Reer miyiga
  9. Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye- Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda
  10. Cabdiweli Maxamed Yuusuf- Wasiiru dowlaha Amniga & DDR-ta
  11. Cabdifitax Nuur Akhsir- Wasiiru dowlaha Warfaafinta
  12. Maxamuud Faarax Beeldaaje- Wasiiru dowlaha Maaliyadda
  13. Yaasiin Cabdi Seed- Wasiiru dowlaha Waxbarashada



Wasiir kuxigeenada

  1. Cabditaax Xasan Walloore- Wasiir kuxigeenka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta
  2. Cabdullaahi Qoobdeer- Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha
  3. Cabdicasiis Maxamed Aaden- Wasiir kuxigeenka Amniga
  4. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan- Wasiir kuxigeenka Maaliyada
  5. Siciid Faarax Maxamuud- Wasiir kuxigeenka Qorsheynta
  6. Cabdiraxmaan Abdi Ismacil- Wasiir kuxigeenka Dastuurka
  7. Maxamed Cali Faarax- Wasiir kuxigeenka Waxbarashada
  8. Faarax Maxamed Warsame- Wasiir kuxigeenka Caafimaadka
  9. Faarax Cali Cabdille- Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka
  10. Cabdirisaaq Nuur Cumar- Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gadiidka Badda
  11. Sucaad Saalax Nuur- Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo garoomada
  12. Faa’iso Cali Ismaaciil- Wasiir kuxigeenka Horumarinta & Qoyska
  13. Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta
  14. Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf- Wasiir kuxigeenka Ganacsiga
  15. Nuur Axmed Yuusuf- Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha
  16. Siciid Xuseen Gees- Wasiir kuxigeenka Beeraha & Waraabka
  17. Maxamuud Ciise Maxamed- Wasiir kuxigeenka Deegaanka, Duurjoogta & Daxliiska
  18. Maxamuud Maxamed Gabax- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga
  19. Cabdirisaaq Shire Ismaaciil- Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha
  20. Maxamed Jibriil Caateeye- Wasiir kuxigeenka Maaliyadda
Developed by Jago Desain