Posts

Xiisadda Carabta oo ay ku soo korortay go’aan culus oo ay Qatar qaadatay


Dowladda Qadar ayaa dacwad ka dhan ah xayiraadaha dhaqaale ee waddamada Khaliijka Carabta ay ku soo rogeen bishii June u gudbisay ururka ganacsiga caalamka ee

Wasiirka dhaqaalaha iyo arrimaha ganacsiga ee Qadar, Sheekh Axmed bin Jasim ayaa sheegay in xayiraaddaasi dhanka ganacsiga ah ee ay Sucuudigu hormuudka ka tahay ay yihiin kuwo xadgudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee baayacmushtariga.

Waddamada Carabta ee xayiraadahan ku soo rogay Qadar ayaa waxay haatan haystaan 60 maalmood oo ay tahay in ay ku xalliyaan cabashada Qadar.

Dowladahani Carabta ayaan wali ka jawaabin cabashada rasmiga ah ee Qadar, balse waxay horey ururkani ganacsiga caalamka ee WTO ugu sheegeen in arrimaha amniga waddamadooda ay qiil uga dhigayaan xayiraadahaasi ka dhanka ah dalka Qadar.

BAARGAAL.NET Ishaawararkaahorumarkaacalbarii
Developed by Jago Desain