Arrin yaab leh: maamulka Somaliland oo ciidamo dhowr Kun ah u diraaya dalka Myanmar (Tirada)



Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan diyaarinta ciidamo farabadan oo la geyn doono dalka Myanmar oo ay ka socdaan xasuuq ka dhan ah muslimiinta.

Maamulka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka garab dagaalami doonaan ciidamada uu Turkiga u diray dalkaa iyo muslimiinta hubeysan ee kasoo jeeda dalka Myanmar.

Qorshaha lagu diraayo ciidamadaasi ayaa waxaa wada Xildhibaano ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaa oo iminka go’aamiyay cadadka ciidamada ee loo diyaarinaayo dalka Myanmar.

Xildhibaanada qorshaha wada ayaa waxaa kamid ah Xil. Axmed Maxamed Diiriye oo sheegay in 15 mudane ay diyaariyeen Mooshin la horgeynaayo baarlamaanka ,kaasoo ah in ciidamo dhan 5,000 oo askari loo diro Barma.

Waxa uu sababta ku sheegay in ciidamada dalka Myanmar ay si bareera u xasuuqayan dadka muslimiinta ah ee kasoo jeeda dalka, sidaa aawgeed aysan indhaha ka qabsan karin falka ceynkaasi ah.

Sidoo kale, waxa ay sheegen inay garab weydiisan doonaan dowlada Turkiga si ay ugu saacido diyaarado lagu daad gureeyo ciidamada.

Maamulka Somaliland ayaa kamid ah maamulada ka jira dalka, waxaana xusid mudan in go’aanada ceynkaani ah uu yahay mid hoos yaalla dowlada Somalia.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay shaacisay in maamulka Somaliland loola dhaqmi doono qaabka loola dhaqmo maamul Goboleedyada kale.


shabakada baargaal.net
Isha wararka calbari.


Developed by Jago Desain