Burma: Sooyaalka Xasuuqa Muslimiinta

Burma: Sooyaalka Xasuuqa Muslimiinta

Buurma, waa dowlad sidoo kale lagu magacaabo, maynmaar. Waxay daris la tahay shiinaha iyo hindiya.

Waxaa ku nool ummad muslimiin ah, oo lagu magacaabo, rohiinga. Dalka waxaa gacanta ku hayo ciidan buudiyiin ah. Boqolley ahaan, dadka muslimiinta ah waa 10% ilaa 15%. Waxay la kulmaan gummaad iyo bara kicin joogta ah, sheekadoodana ma ahan mid cusub, waa sooyaal muddo hore soo billowday.

Sanadki 1784ti, ayaa waxaa araakaan qabsaday boqor buudhiis ah, wuxuu na ku daray mayaanmir asaga oo ka cabsanayay in uu islaamka ku faafo dhulkaas. Halkas ayay ka billaabeen buudiyiinta in ay dhibaateeyaan dadka muslimiinta ah ee reer araakaan.

Buudiyiinta xasuuqa iyo baa’inta ku hayo muslimiinta asalkooda waa dad hindi ah.
Sanadki 1824ki miilaadiga waxaa maynmaar tagay guumeystihi ingiriiska, wuxuu na ku daray dalwaynaha hindiya. 1937ki miilaadiga ayuu ingiriiska mar kale ka gooyay maynmaar hindiya, wuxuu na isku daray araakaan oo ahaa gobolka ay muslimiinta ruhiingaha degaan iyo mayaanmar oo uu hal dowlad oo ingisriiska hoos tagta ka dhigay.

Muslimiinta rohingaha ayaa guumeystihi ingiriiska kala hortagay iska caabbin xooggan wuxuu se u isticmaalay buudiyiinta. Ingiriiska oo isticmaalayo buudiyiinta ayaa xasuuq ba’an u geystay muslimiinta sanadki 1942ki miilaadiga, ku dhawaad boqol kun oo muslimiin reer araakaan ayay laayeen buudiyiinta oo gacan ka helayay ingiriiska.

Sanadki 1948di ayuu ingiriiska u ogolaaday baarma xoriyadda, asaga oo shardi uga dhigay in toban sano ka dib qowmiyad walba loo ogolaado in ay xor u tahay in ay noqoto dowlad madaxbannaan waa haddii ay rabaan, laakin taas ma suurta gelin waxay na u muuqatay shirqool ay isla ogaayeen ingiriiska iyo buudiyiinta, waxaa na xasuuq ba’an lagu sii waday muslimiinta reer araakaan ayada oo la doonayo in laga cirib tiro guud ahaan baarma. Waxaa ilaa hadda la barakiciyey oo dalka laga saaray 3 ilaa 4 malyuun oo muslimiin ah, ayada oo la laayay boqollaal kun.
Developed by Jago Desain