Daawo Waraysi : Madaxwane Cabdiwali Gaas "Horta odayaal ha odhan waxaan ku tilmaami karaa waa horumar-diid, wax kale oo ay yihiin ma ay jirto"

Daawo Waraysi : Madaxwane Cabdiwali Gaas "Horta odayaal ha odhan waxaan ku tilmaami karaa waa horumar-diid, wax kale oo ay yihiin ma ay jirto"

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi Uu Siiyay Barnaamijka Kulanka SBC Kaga Hadlay Arimo Xasaasi ah oo Ka Taagan xiligan Puntland iyo Soomaaliyaba.

wuxuu madaxwanuhuhu si Gaar ah uga hadlay Arinta Dhismaha iyo Lawareegitaanka Dekedda Boosaso ee ee shirkada DP world iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, Nidaamka Asxaabta Badan ee Puntland, Kaluumeysiga Sharci darada ah, Sare U kaca Sarifka & Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga, Wuxuu Sidoo Kale uu Ka hadlay Taageeradii uu Taageeray Xulufada sucuudiga ee Muranka Badan dhalisay, jahwareerka siyaasadeed ee Ka taagan Galmudug iyo Dhiibistii Saargaalkii ONLF ee Cabdikariin Sh. Muuse qalbiDhagax iyo Weerarada All-Shabaab

Ugu Horeyn ayuu Madaxweynuhu ka warbixiyay Xaaladda Guud ee Nabadgalyada Puntland iyo Weeraro is xig xigay oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka Geysteen Saldhiga ciidan ee Deegaanka Af-urur oo Qiyaastii 70-KM u jirta Magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka Bari

Heshiiskii Dekedda Boosaso

Madaxweyne Gaas oo Wax laga weydiiyay Heshiiskii ay dowladdu la gashay Shirkadda DP World ee Dalka imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Dowladiisu ay da’daal ku bixisay sida loo hirgalin lahaa Mashruucaasi, wuxuuna Si Adag ugu jawaabay Dad uu ku tilmaamay iney Hormarka diidanyihiin Kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyay Dhaliilo u soo Jeedinayay Xukuumadiisa, , Wuxuuna xusay in si toos ah ay shaqada shirkadu u bilaabanayso 1-da Bisha Soo socota ee October.

Isagoo u jawaabaya dadka kasoo horjeeda Wareejinta Dekadda Boosaaso ayuu yiri

“Horta odayaal ha oran, odayaal degaan. Odayaal waxaa la yiraahda Nabadoono, Isimo,Cuqaal, Ganacsato, dadka wax ku oolka Bulshada ah. Ma’ahan waxaa meesha ka hadlaya, dad aan naqaano weeye adeer macaane. aan waxba aan rabin waaye, horumar-diid, waxaan ku tilmaami karaa waa horumar-diid, waxkale oo ay yihiin ma ay jirto”

Taageeradii Sucuudiga

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo Kale ka hadlay Arinta muranka Badan dhalisay ee Khaliifka wadamada Khaliifka oo si weyn ugu dhex milantay Siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladgoboleedyadu ay xaq u leeyihiin ineytaageeraan, sida uu qabo Qodobka 53 ee Dastuurka KMG Ah ee Soomaaliya, Wuxuuna sheegay iney dowladda somaliyed u muuqato ineytaageerayso dowladda Qatar

Muranka Galmudug

Madaxweyne Cabdiwali oo Ka hadlayay Qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhacay Hir-shabelle iyo kan hadda ka taagan galmudug ayuu sheegay in dowladda soomaaliyeed looga baahanyahay iney dadka isku soo dhaweyso,Mar la weydiiyay Su’aal Aheyd Siduu U Arko warqad si wadajir ah ay shalay u soo saareen Dowlad Goboleedyada oo lagu dhaliilayay DFS Ayuu sheegay in Dowladda dhexe looga baahanyahay masuuliyad dheeri ah iyo Taxadar, Ayna ka muuqato Tafaraaruq badan oo dhexdeeda ah, Iyadoona Hadalkaasi uu u muuqataa iney Puntland qeyb ka tahay Warqadii shalaya soo Baxday.

Dhiibistii Qalbi-Dhagax.

Ugu danbeyn ayuu madaxweynaha Puntland ka hadlay Arintii Sargaalka ONLF ee loo dhiibay dowladda Itoobiya ee Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo wasiir ka Tirsana Puntland oo Taageeray Talabadii loogu dhibiibay Dowladda itoobiya sargaalkaasi uu xilkiisa ku waayay, wuxuuna madaxweyne Cabdiwali sheegay in Mowqifka dowladda uu qof gooni ah Jeebka kuqaadan karin.

Halkan ka daawo waraysiga oo dhamaystirin

Developed by Jago Desain