DEG-DEG: Golaha Wasiirrada oo taageeray Go’aankii Itoobiya loogu gacan-geliyay Qalbi-dhagax

DEG-DEG: Golaha Wasiirrada oo taageeray Go’aankii Itoobiya loogu gacan-geliyay Qalbi-dhagax

Kulankii deg-degga ahaa ee Golaha Waiirrada Somalia ay maanta ka yeesheen dhiibitaankii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayay ku taageereen go’aankii xukuumadda ee ahaa in Qalbi-dhagax gacanta loogeliyay xukuumadda Itoobiya.

Warar ku dhaw kulanka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay Ansixiyeen Go’aanka Xukuumadda Somalia ay ka qaadatay C/kariin Qalbi-dhagax, isla markaana uu ahaa mid ku saleysan heshiis ay Itoobiya iyo Somalia horay u kala saxiixdeen.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa go’aanka xukuumadda Somalia ku ayiday cod gacan-taag ah, iyadoo xubnaha golaha wsiirradaintooda badan ay ayideengo’aankaan, inkastoo ay jiraan kuwo ka aamusay.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in markii hore xubnaha Golaha Wasiirada ay isku mari la’aa nooca uu noqon doono go’aanka iyo hadii ONLF loo aqoonsado Argagixiso iyoin kale, waxaana ugu dambeyn ay isku raaceen go’aanka laga qaadanayo.

Ugu dambeyn, Iyadoo dhawaan go’aan laga soo saari doono shirka xubnaha golaha wasiirada, ayaa haddana waxay taallabadi noqonaysaa talaabadii ugu horreysay oo ay xukuumaddu ka qaadato dhiibista Qalbi-dhagax.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Developed by Jago Desain