Posts

Deg Deg: Kulankii Golaha Shacabka Kooram la’aan u baaqday



Wararka ka imaanaya Xarunta Barlamaanka waxa ay sheegayaan in kulanka golaha shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan.

Xildhibaannada buugga xaadiridda saxiixay waxa ay 104 Xildhibaan, waxaana Hoolka joogay tiradaasi in ka badan, oo aan buugga saxiixin.


Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinkaasi ka carooday ayaa ku hanjabay in uu Xildhibaannada yimid ee aan buugga saxiixin u diri doono warqad digniin ah sida uu qabo Xeer-hoosaadka, qodobkiisa 16aad, faqradiisa 5aad.


Xildhibaannada maanta hoolka yimid balse aan buugga saxiixin, waxaa u badnaa Xildhibaannada ka tirsan golaha wasiirrada.


Ajandaha Maanta waxaa ku jiray in Mudanayaashu dood kuluul ka yeeshaan Dhiibistii Xukuumada ee Qalbi dhagax iyo go ankii Golaha fulinta ee dhacdadaas waxaa kaloo jiray guux ku aadan Mooshin ay wadaan qar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabku kaas oo ay donayaan inay ku ridaan Khayre Iyo Golahiisa Wasiirrada ka dib Caro ka dhalatay Dhacdadii C/kariin Shiiq Muuse (Qalbi Dhagax)
Developed by Jago Desain