Dowladda Talyaaniga oo laga codsaday inay dhamaystirto dekadda Boosaaso.

Dowladda Talyaaniga oo laga codsaday inay dhamaystirto dekadda Boosaaso.

Siyasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano reer Puntland ayaa qoraal ay uga codsanayaan dowladda Talyaaniga inay dhamaystiraan dhismaha dekadda Bossaaso u gudbiyey, madaama xilligii burburkii Dowladda Soomaaliya qabyo uga tageen talyaaniga, iyagoo aan dhameyn dekadda Bosaaso.

Shirkad Talyaani ah ayaa dhismaha laamiga isku xidha Bossaso, garoowe iyo dhismaha Dekadda Bossaso waday, taasoo sababtay, kadib markiiay burburtay dowladii Soomaaliya in ay qabyo uga tagaan Talyaaniga dekadda Bossaso.

Qoraalka loo diray dowladda Talyaaniga ayaa ah mid looga soo horjeedo shirkadda Dp world ee dhawaan si aan shacabku raali ka aheyn loogu wareejiyey dekadda Bosaso inay balaariso oo muddo sodon sanno ah loo fasaxay iyaga iska maamushaan wixii dakhli ah ee ka soo baxa mudadaas dheer.

lama garan karo sida ay uga jawaabi doonto dawlada talyaanigu baaqaasi 
Developed by Jago Desain