September 25, 2017

Faallo: dhaqanka iyo siyaasada ha lakala ilaasho oo yaan lays dhex galin

Sanadahan Danbe waxaa dhismaha hayadaha dawladda qayb wayn laga siiyeey odayaasha dhaqanka oo ah hogaamiyayaasha dhaqan ee beeluhu leeyihiin sida beeldaaje boqor islaan garaad ugaas suldaan malaaq iyo wixii lamid ah magackasta haloo bixiyee waxaa macnaheedu tahay in beel uun uu yahay hogaamiye dhaqan

Taas waa markii laga hadlayo beelwaynta,Waxaa jira iyana wax layiraahdo nabadoon oo beel hoosaadu leedahay waxa ay nabadoonka iyo isimka wayni wadaagaan waxkasta oo sifo ah oo laga rabo waxayna ku wada yimadaan si isku qaab ah waxayse ku kala duwan yihiin oo keliya mid wuxuu hogaamiyaa beel wayn oo iyaduba leh nabadoono badan nabadoonkuna waa hogaamiya dhaqan oo ay leedahay beel kamid ah beelaha ay beesha wayni u qaybsantahay
Hadaba gelida arimaha siyaasadeed iyo ka qayb qaadashada dhismaha xubnah baarlamaanka iyo ku lug yeelashada xulista golaha wasiirada oo madaxwaynaha ay kala taliyaan ama ay iyagu u geeyaan cida laga dhigayo wasiir ama cida wasiirka laga qaadaayo

maku yeelatay saamayn qadarintoodi iyo kalsoonidii ay bulshada ku haysteen beeshuse maka dhaxashay wax dhibaato ah ?

Jawaabtu waa haa oo labadaba isimka ama nabadoonka iyo beeshaba waa ku yeelatay


1 isimka: waxay belkastaaba isimkeeda ama nabadoonkeeda ku tix gelisaa qabkii dhaqan ee soo jireenka ahaa markii miyigi la joogi jiray hase ahaatee markii magaalo layimi ee weliba baarlamaanka inaad xubin ka noqoto lagu xiray saxiixa isimka iyo nabadoonada waxaa ka dhalatay mushkilad wayn oo saamaysay isimka ama nabadoonka waxayna sababtu tahay markii la xulayo xildhibaanada waxaa isimka u imaanaya dad badan oo beesha ka mid ah qaar waxay doonayaan in la siiyo xubinimada xildhibaanka beesha qaarkalena waxay kala riixayaan musharixiinta u taagan xildhibaanimada
taas ayaa keentay in hadii beeshu isku raacdo ama u badato dhinaca isim oo ay go'aansato inay u caleemasaarto isimnimada ama xilka nabadoonka in hadba koox ay arinkaasi ka hortimaado  ayadoo u arkaysa in nabadoonkaas aysan iskusi u fakirayn ama wax u wadin 

Arinta xulista xildhibaanada waxaa lamid ah mida wasiir noqoshada oo iyada lafteedu dhalisa inta ay xildhibaanimadu dhaliso .

2 :beesha:beesha dhexdeeda arimaahaasi waxay ku abuureen kala qabsanaan xaga dhaqanka ah oo qayb waliba waxay wadataa ama samaysatay nabadoon 

Hadaba sidee looga gudbi karaa caqabadaas dhaqan ee bulshada saamaynta ku yeelatay?

Aniga aragtidayda waxaa looga gudbi karaa.

1 in xulista xildhibanada laga dhigo mid ku timaada doorasho oo laga guuro habka dhaqanka .

a- Hadii laga guuriwaayo oo dhaqanka lagu celiyo waa in isimadu iyagu iska hufaan ishaaridda iyo ku dheganaasho hal qof oo ay bulshada macquulka ah la tashadaan. si ay u yaraato eedaynta loo hayo

b- In xulista golaha wasiiradu ay noqdaan mid loo daayo madaxwaynaha cidii uu la tashadaana aysan meel u kirkirin ee si naseexo ku jidho ay ula taliyaan

2- in isimada iyo nabadoonada la tixgeliyo lana ogaado isimada ama nabadoonada inay ku yimaadaan rabitaan bulsho oo aysan ku imaan digreeto ama warqad laga soo saaray wasaarada arimaha gudaha ama saxiix madaxwayne ee ay ku yimaadaan wadatashi beeleed 

Waxaan is leeyahay hadii la helo labadaas qodob ee aan soo xusay waxaa dhaqanku ku soo noqonayaa sidii uu horay u ahaa



Faalo iyo Aragti 

Shabakada Baargaal.net 
Faalooyin ka turjumaaya guuxa Dadwaynaha 
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner