Guddoomiyaha Gobolka Xadramoot oo qaabilay safiirka Soomaaliya asagoo amray in la fududeeyo Caqabadaha saameeya dhaqdhaqaaqa ganacsatada Soomaaliyeed ee dekedda Mukalla

Guddoomiyaha Gobolka Xadramoot oo qaabilay safiirka Soomaaliya asagoo amray in la fududeeyo Caqabadaha saameeya dhaqdhaqaaqa ganacsatada Soomaaliyeed ee dekedda Mukalla


Guddoomiyaha Gobolka Hadramout ee dalka yaman janaraal Faraj saalmiin albaxsani ayaa xafiiskiisa ku qaabilay subaxnimadii Khamiista ee 07 / 09/ 2017 safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman Cabdullaahi Xaashi Shuuriye iyo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliya si ay uga wadahalaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta ganacsatada iyo sidii xal loogu heli lahaa

​​Ugu horeyntii, Guddoomiyaha Gobolka Hadramout janaraal Faraj saalmiin ayaa soo dhaweeyay safiirka iyo wafdiga la socda asaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in uu la kulmo, si ay u xal ugu helaan caqabadaha hor yaala qaar ka mid ah ganacsiga labada dhinac iyo sidii loogu fududayn lahaa shaqooyinkooda.


Dhiniciisa, safiirka Soomaaliya ayaa mahad celin balaaran u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hadramout sida wanaagsan ay u soo dhaweeyeen una martigaliyeen, isaga oo amaanay amniga iyo xasiloonida ka jirta gobolka Hadramout.


Kulanka ayaa waxaa looga hadlay , arrimo dhowr ah oo muhiim ah oo saamayn ku leh dhaqdhaqaaqa iyo shaqada laba dhinac una baahan in xal laga gaaro ayadoo labada dhinac ay ka dhagaysteen talooyin iyo fikrado ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa arimahaas khuburo ka socday , Customs Mukalla Wasaaradda Beeraha , iyo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Rugta Ganacsiga, iyadoo ugu danbayntii lagu heshiiyay in xal loo dajyo caqabadaha hor istaagan  isu socodka shaqada ee u dhaxeeya labada dhinac.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku baaqay baahida loo qabo in la fududeeyo is-weydaarsiga ganacsiga si waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo sharciyada, iyo danaha labada dhinac.











Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha Gobolka Hadramout uu xafiiskiisa ku qaabilay subaxnimadii Talaadada ee la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 5 september, 2017 safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman ambasaddor Cabdullaahi Xaashi Shuuriye Safiirka si ay uga wadahadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya labada dal.

Kulanka maanta ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xal loogu heli lahaa dhibataayinka iyo caqabadaha ay wajahaan ganacsatada soomaaliyeed ee ka hawl gala gobolka Hadramout, sida uu ahaa ballanqaadkii guddoomiyaha Gobolka ee kulankii hore.


Kulanka maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee gobolka xadramout Salim Ahmed Belfkih iyo Engineer Salem Ali Basmir oo ah agaasimaha dekadda Mukalla, iyo sidoo kale maamulaha Xafiiska Beeraha ee gobolka xadramout mudane Mohammed Faraj Abdoun iyo Mr. khaled Cawad Bakir oo ah agaasimaha kastamka dekedda Mukalla, iyo agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha korneel xuseen alkasaadi iyo Mr.Fares Bin Khalabi gudoomiye -ku-xigeenka Rugta Ganacsiga.






SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka deegaanada Calbri
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain