Posts

Madaxweynaha Puntland oo kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha Golaha Wasiiradda Puntland

Madaxweynaha Puntland oo kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha Golaha Wasiiradda Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golihiisa Xukuumada, kaas oo ka dhacaya maanta magaalada Boosaaso.

Aqalka Madaxtooyada ayuu ka dhacayaa shirkan, kaas oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Qorshayaal cusub oo golaha la horgeyn doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii ugu dambeysay ku maqnaa gudashada waajibaadka Xajka iyo dalka Imaaraatka Carabta oo uu soo maray, waxaana lafilayaa in ay arrimo badan ka wada hadlaan.

Wasiiradda dawladda Puntland ayaa gaaray Boosaaso, ka dib markii looga yeeray waxayna ka qeybgalayaan shirkan oo muhiim u ah hanaanka shaqooyinka.

Golaha ayaa lafilayaa in la horgeeyo xeerar cusub, oo ay soo diyaariyeen wasaaraddaha qaarkood, sidda ay sheegayaan xogaha madaxa banaan ee laga helayo shirkan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan u duulaya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, ka dib casumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumara Calbari 
Developed by Jago Desain