Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Ku Tagay Magaalada Jedda

Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Ku Tagay Magaalada Jedda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa galabta gaaray Magaalada Jeddah ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa duhurnimadii maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Boqortooyada Sacuudiga ay diyaarad gaar ah u soo dirtay.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa mudada uu ku sugan yahay dalkaasi waxaa uu kulamo kala duwan kula yeelan doonnaa Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugaha Boqortooyada, Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusocodkiisa dalkaasi dabo socdo safaradii uu hore ugu tagey.Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Yuusuf Garaad Cumar.
Developed by Jago Desain