Nabadoon Cusub oo lagu caleemasaaray Degamada Baargaal ( Sawiro )

Nabadoon Cusub oo lagu caleemasaaray Degamada Baargaal ( Sawiro )

Xaflad qurux badan oo ay kasoo qeyb galeen madax-dhaqameed,aqoonyahanayo, culimaauddiin siyaasiiyiin, Ururada haweenka iyo dhalinyarada, iyo marti sharaf kale ayaa lagu caleemasaaray Nabadoon cusub oo ay yeeshaan beelaha saleebaan maxamed ee Deegaanka Baargaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega bariga soomaaliya, waxayna qeybaha kala duwan ee beelahaasi ay Nabadoon u doorteen inuu u noqdo Maxamed saalax maxamed jaamac oo ku magac dheer Hilowle

Xaflada oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa kamid ahaa martidii ka soo qayb gashay munaasabada Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Nabadoon Axmed salaad C/raxmaan , Xildhibaano ka mid ah Golaha Deegaanka DegmadaBaargaal iyo marti sharaf kale oo khudbado ka jeediyay Caleemasaarka Nabadoonka Cusub, waxayna sheegeen dhamaantood in Nabadoon Maxamed saalax maxamed jaamac Hilowle uu yahay nin kasoo bixi kara xilka loo igmaday

musuuliyiintii ka hadashay munaasabadda caleema saarka ayaa sheegay in Nabadoonka cusubi aanu noqon doonin mid ay beelo gaar ahi leeyihiin haseyeeshee uu isim u yahay dhamaan Bulshada Deegaanka iyo umadda Soomaaliyeed.

Maxamed saalax maxamed jaamac Hilowle oo ah Nabadoonka maanta la caleema saaray ayaa sheegay in uu xil weyn iska saari doono sidii uu uga soo bixi lahaa masuuliyadda culus eela saaray

asagoo intaasi kudaray , in uu ku dadaali doono sidii uu ku noqon lahaa isim bulshada la tashada, dhibtooda ka war qaba islamarkaana ku dadaala sidii uu wax uga qaban lahaa cabasho walba oo dhankooda ka timaada.

Ugu dambeyntii, wuxuu ka codsaday ka qayb gelayaasha munaasabadda caleemasaarka in ay usoo duceeyaan, oo ay Ilaah uga baryaan in uu u fududeeyo xilka culus iyo masuuliyadda adag ee dhabarka loo saaray.

Dhamaan Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Bargaal.net waxay u hanbalyaynaayaan Nabadoonka Cusub 
Nabadoon Maxamed saalax maxamed jaamac Hilowle Ayagoo ilaah uga baryaaya  inuu u fududeeyo hawsha loo igmaday






Developed by Jago Desain