Posts

Sawir: Ciidamada Koonfurta Suudaan Oo Qabtay 21 Tahriibayaal Soomaali Ah

Ciidamada Koonfurta Suudaan ayaa Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi ku soo wareejiyay 21 Tahriibayaal ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka u dhaxeeya Labada Suudaan, kooxdan ayaa ku sii jeeday dalka Libya. 

21-ka qof ayaa la keenay caasimadda Jubba, 4 ka mid ah waa dumar, waxaana lagu wadaa in Safaaradda iyo bulshada Soomaaliyeed ay iska kaashaadaan soo qaadista dadkaasi.

Horay waxaa saafaradda Soomaalida ee Jubba loo keenay 35 qof oo tahriibayaal ah, 25 wiil iyo 10gabar, gabdhihii waxaa intooda badan la keenay Soomaaliya halka wiilashada 17 ka mid ah soo oo Maraaliya laga daaweeyay, codsadeen in Soomaaliya loosoo celiyo, inta kalana la geynayo Kaam ku yaallo Jubba.

Warar xog-ogaal ah oo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ahay sii deysay 5 Magafe oo qeyb ka ahaa tahrribinta Soomaalida, kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada Koonfurta Suudaan.

Ma jirto siyaasad cad oo dowladda ay ka leedahay Tahriibka iyo dhalinyarada tegaya Saxaraha ama badda, arrintaas oo wal-wal ku heysa waalidiinta.

BAARGAAL.NET 



Developed by Jago Desain