Sawiro: Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Ku daah-furay Mashruuca Caafimaadka Aasaasiga ah Ee Gobolada Bari Iyo Gardafuu.

Sawiro: Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Ku daah-furay Mashruuca Caafimaadka Aasaasiga ah Ee Gobolada Bari Iyo Gardafuu.
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa manta oo taarikhdu tahay 17 September 2017 laga daahfura mashruuca caafimaadka asaasiga gobolada Bari iyo Gardafuu waxana mashruucan daahfuray madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed cali Gaas iyo wasiirka caafimaadka Dr. C/naasir Cismaan Cuuke.
Munasabda mashruucan lagu daahfurayay waxa goob joog ahaa Madaxwwaynaha Puntland, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada, odayaal, haween iyo waxgarad waxana ugu horayn Mashruucan ka warbixiyay C/qafaar Cilmi Xange o ah madaxa Save the Children Puntland wuxna sheegay in mashruucan laga fulinayo gobolada Bari iyo Gardafuu iyadoona uu socon doono mudo 3 sano ah mudadaas ayaa waxa uu sheegay inay ku baxayso aduun dhan 4 malyan oo doolar.
Madaxa Save ayaa sidoo kale sheegay in mudadaasi uu mashruucu taageeri doono 57 xarumood oo ay ku jiraan isbitaalo degmo iyo walibo dhamaan goobaha caafimadka ee ku yaala Bari iyo Gardafuu waxaana ka faa’iidaysanay 647,000 oo hooyooyin iyo caruur isugu jira waxana ka shaqaynayn doona shaqaale caafimaad oo gaaraya ilaa 315 inta uu mashruucan socdo ayaa waxa sidoo kale xusay in dayactir lagu samayn doonaa goobaha caafimaad iyadoona la dhisi doono kuwa cusub.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. C/naasir Cismaan Cuuke ayaa isna dhankisa sheegay in wasaaradu ay ka go’antahay sidii adeega caafimaadka loo gaarsiin lahaa umada reer Puntland wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan si lamid ah uu ka shaqaynayo gobolada kale ee Puntland iyadoona ay taageerayaan wadamada UK, Germany, Switzerland iyo Sweden wuxuu sheegay in kan laga fulinayo Bari iyo Gardafuu ay deeq bixiyaal ka yihiin Sweden iyo Switzerland, wasiirka ayaa sido kale sheegay in dhamaan mashaariicdan 80% laga fulinayo deegaanda laamiga ka fog, wasiir C/naasir ayaa ugu dambayn ka dhawaajiyay in wasaaradu dhawaan ay keeni doonto Laashash Ambalaas ah taaso hooyooyinka dhalaya kasoo qaada Qandala iyo Caluula taana mesha ka saarayso dhimashada hooyada iyo dhalaanka.
Ugu dambay madaxwaynaha Puntland ayaa gobta ka xusay in muwaadin walba oo Puntland ah uu xaq u leeyahay inu helo  adeega caafimaadka qorshahha dowladana u mesha ka sarayo oraahda ah gaaaari waa, madaxwaynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasaarada Caafimaadka Punland oo uu sheegay inay kamid tahay wasaaradaha lafdhabarta u ah maamulka wuxuuna kula dardaarmay inay dardargaliyaan howlaha caafimaad ee ay u hayaan bulshada, madaxwayne Gaas ayaa sidoo kale sheeegay in Wasaarada Caafimaadka ay tahay wasaarada kasoo jawaabta goob walba sida meelaha furimaha ah islamarkaana ay siwayn uga qayb qaadato la dagaalanka kooxaha cadowga ku ah umada reer Puntland.

Developed by Jago Desain