Posts

WAR DEG DEG AH: RW Kheyre oo goor dhaw ka dhoofaya Muqdisho & Kulan xasaasi ah uu la yeeshay Xildhibaano

WAR DEG DEG AH: RW Kheyre oo goor dhaw ka dhoofaya Muqdisho & Kulan xasaasi ah uu la yeeshay Xildhibaano

Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lafilayaa in uu saacadaha nagu soo aadan ka dhoofo madaarka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, waxaana ka hor inta uusan dhoofin uu shir la qaatay Saaxiibadiisa dhanka baarlamaanka ka difaacaya.

Ra`iisulwasaaruhu wuxuu la kulmay xildhibaanada baarlamaanka qaarkood oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan arrimaha dooda ka taagan dhiibitaankii iyo go`aankii Xukuumada ee ONLF.


Mr, Kheyre ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaya sidii Xukuumaddiisa looga badbaadin lahaa wax kasta oo ku noqonaya fashil siyaasadeed, wuxuuna door weyn ka ciyaarayaa sidii qorshaha Xukuumadu ku noqon lahaa mid meel-mar ah.

Xildhibaanada kulankaas ka qeybgalay qaar kamid ah oo ka gaabsaday adeegsiga magacyadooda ayaa u sheegay Puntlandtimes in ay rajo wanaagsan ka qabaan in aan marnaba laga laaban go`aankii Xukuumaddu qaadatay.


Xukuumadda Soomaaliya waxay mid kamid ah Horjoogayaasha Jamhadda ONLF oo u dagaalanta Xornimada gobalada Soomaali Galbeed u dhiibtay dawladda Itoobiya oo uu dagaal kala dhaxeeyo, sidaas oo kalena waxay u aqoonsatay Hanjabad Argagixiso ONLF, oo ay madaxda ugu sareysa degan yihiin wadamada Reer Yurub, taas oo ay kala kulantay xamaasad siyaasadeed oo xoog badan.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa NEW YORK kaga qeybgalaya fadhiga guud ee Hogaamiyaasha Caalamka ee kamid ah Qaramada Midowbay, waxaana uu jeedin doonaa khudbad ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

BAARGAAL.NET 
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain