warbixin : Hoos u dhac ku yimi dhaqdhaqaaqii iibka Maydiga ( Maxaa sabab u ah )

warbixin : Hoos u dhac ku yimi dhaqdhaqaaqii iibka Maydiga ( Maxaa sabab u ah )

Puntland waxay ka mid tahay deegaanada hodonka ku ah dhirta ay ka baxaan Xabkaha sida Maydiga oo ka baxa qaybo badan oo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari, Sanaag iyo Gardafuu. 

Ka Ganacsiga Maydiga ayaa waxaa ku xiran oo ka shaqaysta xoogmaalato, shaqaale iyo ganacsato badan iyadoo loo dhoofiyo dalka dibadiisa oo loo iib geeyo jasiirada carabta iyo dalalka khaliijka gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga iyadoo uu dhaqaale xoog lihi dalka uga soo xaroon jiray ganacsigaasi , dhaqaalahaasi oo ay ku tiirsanaayeen boqolaal kun oo qoys .

Hoos u dhaca ku yimi dhaqdhaqaaqa iibka maydiga ayaa ku biiraaya hoos u dhac ballaran oo sidoo kale saameeyay shaqadii kaluumaysiga xeebaha Puntland oo ay horay saamayn xoog wayn ugu yeesheen dagaalada dalka yaman oo ahayd suuqa ugu wayn oo ay kaluumaysato u iib gayn jireen wax soo saarkooda

Dr. faatax cali c/raxmaan oo kamid ah ganacsatada maydiga ayaa uga waramay warbaahinta sababaha keenay hoos u dhaca ku yimaaday dhaqdhaqaaqa iibka maydiga asagoo marka hore sheegay in hoos dhacaas uu kala mid yaha xoolaha nool iyo kaluumaysiga 


Dr. faatax cali ayaa intaasi ku daray in xiisada ka dhex aloosan dalalka khaliijka carabta ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay hoosu dhaca ku yimid dhaqdhaqaaqa iibka maydiga kadib markii uu istaagay dhaqdhaqaii ganacsi ee dalalkasi dhexdooda ahaa iyadoo uu hoos dhac ku yimi qiimihi lagu iib gayn jiray 

Dr. faatax cali ayaa dhinaca kale sheegay in ay sidoo kale ay hoos u dhacday tayada , sida tayadii mushaadka iyadoo oo ay arintaas sababtay abaaraha soo noqnoqday ee ka jiray deegaanada soomalida oo ay kamid ahaayeen deegaanada Puntland waxaana uu maydigu maraa dhawr sifeyn ah si tayada Xabkaha looga dhigo kuwo ku haboon in Suuqyada dibada loo iib geeyo.



Sidoo kale Dr. faatax cali ayaa sheegay in ay sababaha ay kamid tahay sharciyada oo ay dawlada sucuudigu ku adkeeysay dadkii wasici jiray maydiga iyo sidoo kale dawlada Puntland oo inay cashuur ka qaado maahee aan waxna u qaban ilaha dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay

Iayadoo dawlda Puntland iyo wasaarada ganacsigu ay ku fashilmeen doorkii laga rabay ee loo igmaday , waxayna ka gaabiyeen inay suuqyo u raadiyaan ilaha dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay sida khayraadka baddaha, xoolaha nool iyo maydiga


SHABAKADA BAARGAAL.NET

isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain