October 10, 2017

DEGDEG: Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya sameystay Gole Cusub [Akhriso]

SHARE

Shirkii madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday magaalada Kismaayo iyadoo lagu sameeyay Gole xiriiriya Madaxda Maamulladaasi.

Sida uu xaqiijiyay agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland waxaa madaxda maamul Gobooleedyada ay ku heshiiyeen oo ay sameystaan Gole la magac baxay ICC oo qaabilsan Iskaashiga MAAMUL GOBOLEEDYADA (Inter-states Cooperation Council-ICC).

Golahan ayaa laga doodayay muddooyinkii ugu danbeeyay qaabkauu hoggaankiisu yeelan doono iyo awoodihiisa, waxaana war-murtiyeedka Shirka Kismaayo lagu wadaa in Caawa ay soo saaraan madaxda Maamullada shanta ah ee ka qeyb galay.

Dhismaha Golahan ayaa calaamad weyn dul saaraya, hay’adaha dowladda Federaalka ee Madaxtooyada iyo Aqalka Sare, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay u wada shaqeyn doonaan, haddiiba Golahan uu go’aano kasoo saaro xaaladdaha Soomaaliya, taasoo keeni karta awoodo is barbar socda.

BAARGAAL.NET
SHARE

Author: verified_user

Featured Post

The @GaroweBookFair is an opportunity to revive the culture of book Reading in #Somalia #GIBF2018

Under the theme “ Raandhiis Qoraal iyo Raasumaal Dhaqan ”which is the culture  that is deeply rooted in traditions, poetry, food and clot...