Digniin: Quraac la’aanta oo Sababta In unugyada Dhiigu Awdmaan !!!

Digniin: Quraac la’aanta oo Sababta In unugyada Dhiigu Awdmaan !!!

Waxa jira dad badan oo caadaysta quraac la’aanta, iyaga oo aan la socon ama aan dareensanayn saamaynta caafimaadee dabeecadaasi leedahay

Deraasad cusub oo dhawaan la daahfuray ayaa lagu cadeeyay in quraac la’aantu sabab u noqon karto in unugyada dhiigu awdmaan, taasi oo halis galin karta nolosha qofka sidoo kale hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa xaqiijiysay in sanadkii 2015 in ka badan 17milyan oo qof u geeriyoodeen arrimo la xidhiidha dhibaatadaasi.

Deraasadan oo lagu baahiyay Machadka cudurada waddnaha ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadkii daraasadan lagu sameeyey ay ka hor intii aanay baartiaanka ku samayn si fudud u ogaadeen, sidoo kalena waxay khubaradu sheegeen in arrintani ay sabab u tahay cuduro badan oo waddnaha ku dhaca, sidaasi awgeed waxay guud ahaan dadka ku nool adduunka kula taliyeen inay caadaystaan cunista quraacda si xaaladooda caafimaad ay u noqoto mid saraysa isla markaana ay uga badbaadaan cuduradaasi sida kediska ah uu qofku ugu naf waayo

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Ish wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain