FAALLO XASAASI AH: Soomaaliya oo ay ku hardamayaan Sacuudi, Imaaraat,Qadar, Masar,Iiraan, Turki, Itoobiya & Reer Galbeed iyo Soomaali ...

FAALLO XASAASI AH: Soomaaliya oo ay ku hardamayaan Sacuudi, Imaaraat,Qadar, Masar,Iiraan, Turki, Itoobiya & Reer Galbeed iyo Soomaali ...

Wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya si rasmi ah uga baxday KMG-nimadii sannadku markuu ahaa 2012-kii, waxaa ku bilowday duufaano waa weyn oo galaangal siyaasadeed ah, kuwaas oo ka imaanaya quwado kuhardamaya dunida, Soomaaliya-na wey u dabacsaneyd duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Wadamada Turki, Imaaraatka Carabta, Iiraan iyo Qadar ayaa kusoo biiray loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya, qaarkoodna waxay ku soo galeen sifooyin gargaar bixin oo soo bilowday sannadkii 2011-kii, xiligaas oo ay Abaaro baahsan kudhufteen Soomaaliya.

Turkiga ayaa Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho galiyey Malaayiin Dollar oo aysan waxba sharuud ah ku xirneyn, waxaana uu la wareegay Dekeda iyo garoonka diyaaradaha ee caasumada dalka.

Dadka taageersan faragalinta Turkiga ayaa ku amaana in uu wax badan ka qabtay dibu dhiska dalka, gaar ahaana goobaha muhiimka ah ee caasumada dalka, waxaana dadka qaar ay ku eedaynayaan in uusan wali taageeradiisa soo dhaafin caasumada aan waxba dhaafin ee Muqdisho.

Turkigu wuxuu kaloo hadda xariga ka jaray Saldhigii ugu weynaa ee ciidan oo ay ku yeeshaan Africa, waxaana laga daah-furay todobaakdii horre caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna halmar qaadi karaa 4000 oo Askarta la tababarayo ee Soomaalida ah.

Imaaraatka Carabta oo ka maseyray joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay u jeensadaan dhinacyada dhismaha ciidamo ay tababaro siiyaan, waxayna Mashaariic ku kacaysa Malaayiin Dollar ku taageereen dhismaha ciidamo Baddeed oo laga dhisay Puntland, waxayna sidaas oo kale si siman dawlad gobaleeyda oo dhan u gaarsiiyeen Sahay Milateri oo ku saleysan baahiyo ay qabeen.

In la dhiso Saldhigyo waa weyn oo kuyaala Boosaaso, Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo ayaa qeybta ugu weyn ka ahayd Mashaariicda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya, waxaana lagu guuleystay inta badan in lahirgaliyo Mashaariicdan.

Kasokow dhaqdhaqaaqyada xagga Milateri, Imaaraatka ayaa bilaabay in ay Balaayiin Dollar ku maalgaliyaan qaar kamid ah Dekedaha dalka, gaar ahaana Boosaaso iyo Berbera oo ay ku bixinayaan Aduun gaaraya Balaayiin Dollar, oo ay hadhaw ku heli doonaan 30 sanno gudahood.

Iiraan ayaa saameynteedu ay soo shaac-baxday waqtigii Abaartu ku habsatay Koonfurta Soomaaliya sannadkii 2011-kii, waxayna bilowday in ay soo dirto Shixnado Gargaar ah oo ay la socdaan Wadaado faafinaya Fikradaha Shiicada, oo ah kuwa ay ku doonayaan in ay dadka iyaga fikradodoa ku shubaan.

Muqdisho oo ay saldhigteen waxay ka fureen goobo Waxbarasho iyo Quudin ah oo ay gacanta ku hayso Hay’addaha Diinta faafisa ee dalkaas Iiraan, waxayna fikradooda cabsiiyeen Boqolaal qof oo Soomaaliyeed, taas oo goor dambe lagu baraarugay.

Sacuudi Careebiya oo xasaasiyad ka qaba Iiraan ayaa bilaabay in uu kula dagaalamo Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynihii horre ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ku cadaadiyey in la jarro cilaaqaadka Somalia & Iiraan, lana ceyriyo Hay’addaha iyo Diblumaasiinta ka joogtay magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo aan ka fiirsan dalabka uga yimid Boqortooyada aan ehelnimada lagu aqoon ee Sacuudi Careebiya ayaa ceyrisay diblumaasiintii dalka Iiraan, waxaana Abaalmarin ahaan Soomaaliya loogu balan-qaaday Aduun gaaraya 50Malyan oo aan la aqoon in uu soo gaaray Muqdisho iyo In kale.

Itoobiya & Masar oo asal ahaan isku khilaafsan qadiyadda iyo burburka Soomaaliya ayaa markale isku hardiyey doorashadii u dambeysay ee dalkan ka dhacday sannadkan bilowgiisii, waxaana afka ciidda loo daray damacii dawladda Itoobiya ee Soomaaliya.

Xukuumadda Addis Ababa oo lagu tiriyo mid aan dooneyn dawlad xoog badan oo ka dhalata Soomaaliya, ayaa shaki weyn ka qabtay hogaamiyaha la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saameyn weyn ku dhex lahaa ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Warbixin ay soo saartay Xukuumada Itoobiya bilowgii tartanka doorashada waxay welwel ka muujisay in la doorto Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku kaliftay baarlamaanka Soomaaliya in ay 8 Febuary 2017 afka ciidda u gashaan damaca Itoobiya.

Masar oo ah mid kamid ah wadamada Baasiinka ku shuba colaadda iyo daganaansho la’aanta Soomaaliya, is lehna dhib ugu geyso daganaanshaha Itoobiya ayaa qeyb aan qarsooneyn ku yeelatay siyaasadda Soomaaliya.

Maalmo markii la doortay dawladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo, taliyaha ugu sareeya Xagga sirdoonka iyo ciidamada ee dalka Masar ayaa soo gaaray Muqdisho, wuxuuna la kulmay Talisyada ciidamada iyo Madaxda Soomaaliya.

Talaabadaas ayaa u horseeday Soomaaliya godad badan oo laga qaniinay, gaar ahaana dharbaaxooyin siyaasaded oo uga yimid wadamada gobalka, taas oo dhaxalsiisay in ay ku dhacaan dabino muddo dheer laga shaqeynayay.

QADAR waxay saameyn aan qarsooneyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya wixii ka dambeeyey markii lacag ay leedahay lagu soo doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin ay kala xariir furteen ugu dambeyntii markii ay isku fahmi waayeen damacyadii ay kala qabeen labada dhinac.

Dulaaliinta Soomaalida ah ee Qadar kala shaqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa u digo-rogtay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u arkayeen mid kamid ah dadka ay ku raadsan karaan danahooda gaarka ah.

Malaayiin Dollar oo ay bixisay dawladda Qadar ayuu Madaxweyne Farmaajo ka gudoomay saaxiibadaas Siyaasadeed, wuxuuna lacagtaas u adeegsaday tartankii doroashada Madaxtinimada, ilaa uu ku soo baxay haddeerna aysan wali kaga harin.

Qadar waxay doonaysaa in ay Soomaaliya ka seydarayso joogitaanka Xulufada ay is hayaan ee Sacuudi, Imaaraatka, Masar iyo kuwa ay ku sheegto in ay maslaxadda ka soo horjeedaan.

Xukuumada DOHA ayaa rumeysan in qaraxyo lagula beegsaday Taliyayaal iyo Diblumaasiin tagay Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen wadamada Carbeed ee ay isku hayaan siyaasadda aan daganeyn.

Sacuudiga oo aysan is jecleyn Qadar ayaa isna lug weyn ku leh qaribaada Siyaasadeed ee dalkan ka soo kabanaya dagaalada Sokeeye iyo kuwa Argagixiso, waxaana labadaas dalba ay noqdeen kuwa isku eeganaya xaaladda Soomaaliya.

Quwadaha Reer galbeedka ayaa dhinacooda ka wada damaca ay ka leeyihiin Soomaaliya, waxaynaba sii kordhiyeen joogitaankooda dalka, kasokow waxay Ilgaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda iyo sida ay Xukuumadan cusub uwajahayso xaaladdaha dalka.

Marka la qiimeyo faragalimaha aan xadka laheyn ee kusocda Soomaaliya iyo sidda ay u kala jaban yihiin Siyaasiinta Soomaalida, waxaa banaanka u soo baxaysa in aysan jiri Karin rajo dhaw oo laga qabi karro in ay Soomaalidu ka gudubto waayaha adag, ayna si dhameystiran danaha caalamiga ah ee kuxiran uaa gudubto.

Maanta aan qorayno warbixintan Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaalida, gaar ahaana Madaxda dawladda Faderaalka iyo dawlad gobaleedyadu waxay ku kala shirsan yihiin Muqdisho & Kismaayo, ujeedada ugu weyn oo ay isku hayaan ayaa ah dabino loo dhigay, oo ay kala taageerayaan Xulufada Imaaraatka iyo Qadar.

Tanni waxay quus galinaysaa rajada ay qabi karaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay Shacabku si wanaagsan uga dharagsan yihiin wax kasta oo lagu doonayo in aysan Soomaalidu marnaba jiifka ka soo kicin.

Waxaa QORAY: Faarax Cabdulqaadir Maxamed
Developed by Jago Desain