Sawiro: Fadlan ka qayb qaado dib u dhiska masjidka Jaamaca Magaalada Baargaal

Sawiro: Fadlan ka qayb qaado dib u dhiska masjidka Jaamaca Magaalada Baargaal


dhamaan Akhyaarta sharafta mudan  dhamaantiin waxaana idinku salaamay salaanta islaamka " Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu "

waxaan halkan  idinku soo gudbinaynaa , masaajid dib loo dhisayo oo u baahan taakuleyn,ahna masjidka Jaamaca magaalada Baargaal oo ah masjidkii ugu horeeyay ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu dhisna mudo aad u dheer , waxaana la go,aansaday in la dib u dhis lagu sameeyo oo laga qaado saqafka oo lagu sameeyo dib u dhis aad u balaaran iyadoo looga cabsaday inuu ku soo dumo dad muslimiin ah oo ku cibaadaysanaaya.

Culimadda deegaanka iyo Guddi loo xilsaaray dib u dhiska masaajidka jaamaca Magaalada Baargaal iyo qaarka mid ah odayaasha degmada Baargaal  ayaa codsi u diraaya dhamaan umadda Islaamka ah iyo jaaliyadaha dibadaha iyo gaar ahaan kuwa u dhashay Gobolka gardafuu inay gacan ka gaystaan si ay uga qaybqaataan dhismaha masaajidkan .


masjidku waa guri ALLE. qofkii dhisaana wuxuu yeelanaya isaguna guri jannada looga dhiso sidaasna waxaa noo cadeeyay Nabiga S.C.W. qofkii masjid dhisa isagoo ku doonaya wajiga ALLE waxaa ILLAHAY jannada uga dhisayaa guri' W.W. Bukhaari & Muslimis, 

Fadlan fursadaanu yey ku dhaafin, Ka Qeyb Qaado Dhismaha Masaajidka jaamaca magaalada Baargaal oo dib u dhis Balaaran lagu samaynaayo

Hadaba si aad u dhisato gurigaga Aakhiro , ka qayb qado Dhismaha Masaajidka Jaamaca Magaalada Baargaal waxaana aad Sadaqaysan kartaa wixii aad awoodo,qofba awoodiisa ma ahan in aad la gabato haddii adan heli karin lacag badan.


Ciddii doonaysa in dar Ilaahay ay ula baxdo sadaqo waxay ku soo diri kartaa 
Akoonka Dahabshiil ee loo furay masaajidka Jaamaca Magaalada Baargaal 


DAHABSHIIL BSSD006657

ama waxay la soo xiriiri  kartaa cinwaanadaan teleefoonadaan hoos ku qoran:

1. C/raxmaan Maxamuud saalax Tell: +252-90 6792222
2. Daacad siciid Cismaan   Tell: +252-90 6791588

Waad mahadsantihiin. Ilaahay ha ka dhigo mashruucan mid khayr ku bilowda oo hadana khayr ku dhammaada.










Developed by Jago Desain