Sawiro:-Jaaliyada Puntland ee magalada västerås ee dalka Sweden oo xaflad soodhaweyn ah u samaysay Gudoomiyaha Dagmada Baargaal ee gobalka gaardafuu

Sawiro:-Jaaliyada Puntland ee magalada västerås ee dalka Sweden oo xaflad soodhaweyn ah u samaysay Gudoomiyaha Dagmada Baargaal ee gobalka gaardafuu
Jaaliyada Puntland ee magaalada västerås ee dalka sweden ayaa uqabatay xaflad soo dhaweyn martiqaad iyo xog waraysi iskugu jirta Gudoomiyaha Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Abuukar axmed yuusuf oo maalmahan joogay halkaas.

Xafladan oo si qurux badan loosoo agaasimay,ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan jaaliyada Puntland ee ee magalada västerås dalka Sweden .

yuusuf maxamed shabeel sayidka calbari oo door wayn ka qaatay soo abaabulida xaflada ayaa marka hore gudoomiyaha ku soo dhaweeyay xaflada

sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay oo hadalo qiimo leh ka jeediyay haldoor tiro badan oo jaaliyada ka tirsan.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Abuukar axmed yuusuf oo ugu danbayntii ka hadlay xaflada ayaa si weyn ugumahadnaqay jaaliyada iyo soo dhaweyntooda aadka u saraysa ee ay usameeyeen,sidoo kale gudoomiyahu waxuu jaaliyada xog ka siiyay xaalka Puntland gaar ahaan gobolk gardafuu iyo degmada Baargaal

Isku soo wada duuboo xaflada ayaa habeenkii xalay ahaa kusoo gabagabowday si qurux badan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com











Developed by Jago Desain