SAWIRO : Maxaa ka socda Caasimada Gobolka Gardafuu ee Caluula

SAWIRO : Maxaa ka socda Caasimada Gobolka Gardafuu ee Caluula
waxaa maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 19/10/2017 lagu qabtay sida ay caadadu ahayd magaala madaxda gobolka gardafuu ee caluula shirkii todobaadlaha ahaa ee lagaga hadli jiray waxyaabihii qabsomay totabaadkii lasoo dhaafay iyo wax yaabaha aan qabsoomin iyo sidii wax loga qaban lahaa.



Shirka todobaadkan waxaa marka hore lagu cambaareeyay qaraxii musiibada qaran ahaa oo ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo masuuliyiintii ka soo qaybgashay shirka todobaadkan oo horay tacsi u diray ay marlabaad u tacsiyeeyeen eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii dadkii geeriyoodeyay , iyadoo loo duceeyay dadkii qaraxaas ku waxyeelloobay


shirka todobaadkan ayaa waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha gobolka Gardafuu mudane maxamuud axmed caynab (gubsul) waxaana kamid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay shirka maanta gudoomiye ku xigaynka labaad ee gobolka,isuduwaha wasaarada arimaha gudaha iyo dawladaha Hoose mudane C/qaadir maxamed jaamac (C/qaadir caato ),taliyaha qaybta general maxamed xirsi cumar , isuduwaha wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda mudane mahad cali carcar , isuduwaha wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka mudane maxamed siciid mire iyo masuuliyiin kale oo badan

shirka todobaadkan ayaa wxaa diirada lagu saaray 

soo dhwaynta, martigalinta ergooyinka soo xulaya xildhibaanada golaha deegaanka degmada Caluula oo ku soo qulqulaaya caasimada gobolka gardafuu iyo hawlaha qabanqaabada doorashada golaha deegaanka degmada iyo amniga doorashada 

dhinaca kale gudoomiaha Gobolka Gardafuu mudane maxamuud axmed caynab Gubsul oo shir soo dhawayn ah La qaatay nabadoonada iyo ergooyinka soo xulaya xubnaha golaha deegaanka degmada caluula ayaa Odayaasha dhaqanka kula dardaarmay inay u soo xulaan golaha deegaanka degmada caluula xubno karti iyo aqoon buuxda leh, waxna ka bedeli kara xaaladda deegaanka ku suganyahay, doorna ka qaadan kara horumarinta magala madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula 










SHABAKADA BAARGAAL.NET

isha WArarka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com




Developed by Jago Desain