Posts

Taliyaha booliska Puntland oo shaqada laga joojiyey, lagana dhigay xabsi guri

Taliyaha booliska Puntland oo shaqada laga joojiyey, lagana dhigay xabsi guri

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii looga joojiyey xabsi gurina laga xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 222017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa u qornaa sidatan

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.
Wuxuu Xeeriyey:-1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xabsi guri) ilaa amar danbe.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain