Top news : Madaxda Puntland iyo Shirkada DP world oo is khilaafay

Top news : Madaxda Puntland iyo Shirkada DP world oo is khilaafay

Wararka laga helaayo madaxtooyada Boosaaso ayaa sheegaya inuu khilaaf soo kaladhexgalay madaxwaynaha Puntland iyo shirkadda DP world ee qorshaha uu ahaa in maanta lagu wareejiyo dekedda Bosaso.

Wararka ayaa sheegaya khilaafka inuu kadhashay kadib markii shirkadda DP world ay soo jeedisay inay xirayso dekedda Bosaso muddo sanad iyo bar ah,taasi oo madaxwaynaha Puntland uu siwayn uga horyimid.

Dhanka kalle wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kalle culays lasoo saaray imaaraatka carabta oo ka yimid dowlada dhexe ee faderaalka , waxaana la sheegay warqad kasoo baxdaydowladda faderaalka in lagu joojiyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Muqdisho booqasho uu maanta ku tagi lahaa Bosaso.

Heshiiska imaaraatka carabta iyo Puntland ee dekedda Bosaso ayaa dhigayay inay Dp world maamusho dekedda muddo sodon sano ah, ayna qaadato inka badan 65% dakhliga dekedda, arinkaasi ooshacabku ay siwayn uga horyimaadeen.

xigasho : puntlandnews24
Developed by Jago Desain