Posts

WAR DEG DEG AH: Faahfaahin ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday Kontoroolka magaalada Boosaaso

WAR DEG DEG AH: Faahfaahin ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday Kontoroolka magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar xalay lagu qaaday Kontoroolka laga galo magaaladaas, kaas oo ay soo qaadeen kooxaha Argagixisada ee kudhuumaaleysta buuraha gobalka Barri.

Wararku waxay sheegayaan in ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas uu yahay dhimashada 4 qof oo ah dad Shacab ah iyo askar katirsan ciidamada dawladda Puntland oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Khasaaraha la gaarsiiyey kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lagu sheegay in ka badan tahy 7 maleeshiyaad ah oo dhimasho ah ay uga tageen goobta dagaalka.

kooxahan argagixisada ah ayaa weerarkan soo qaaday saqdii dhexe ee xalay , wuuna ahaa weerar abaabulan.

Laamaha Amniga ee gobalka Barri ayaa hadda leh shir gaar ah oo ay uga hadlayaan dhacdadii xalay, waxaana lafilayaa in warbaahinta ay la hadlaan, si ay faahfaahin uga bixiyaan dhacdadan cusub.
Developed by Jago Desain