AKHRISO: Hees uu curiyay Wasiirka Maaliyadda C/raxman Beyle “Maanta waa Dharaar wacan”

AKHRISO: Hees uu curiyay Wasiirka Maaliyadda C/raxman Beyle “Maanta waa Dharaar wacan”

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mida hal-abuurayaasha mararka qaarkood tiriya suugaanta kala duwan ayaa hees cusub curiyay oo ku saabsan xaaladda dalka isagoo hadalkiisa ku bilaabay: 

Dadyohow Somaliyeed maalin wanaagsan.

Nabad, nolol wacan, iyo arooryo suubban ayaan idiin rajeynayaa dhammaan, illayn waad u qalantaane!!

Ku soo dhawaada sugaantan gaaban
Heestii: Maanta waa dharaar wacan

Dhoomaha culayskii
Dheel-dheelligaygii
waxan qaw ka dhacay beri
Dhawr laba tobnnnad bay
Hadda sare u dhaaftoo
Samirkaygii dheeraa
Dhibta aan dugsanayiyo
Waxa dhaawac igu yaal
Dhamac iyo dab igu shidan
Dhaxantiyo kulaylaha
Labadaba u jilib-dhigay
Hebeloow wax ii dhiib
Iyo dhawrto qaayibay
Waxan dheelallaababa
Hadday guuli dhalatoo
Dheemaalku nuurkii
Wac-wacdiyo dhaalalkii
Midabbada is dhalan roga
Dhab u soo ceshaday oo
Seermaweydo dhalatee
Dheeraad nin doonnoow
Dhaarbbaa ka taallo
Dhici doonimaysee
Dhagartiyo waxyeellada
Kugu dhaafi maynnee
Dhidib iyo hoggaan baan
Kugu dhuujin doonnaa
Adnna teello hay dhigan
Waxba teello hay dhigan
Anni teello hay dhigan
Ninkii midho dhunkaaleed
Dheef waxan ku gelinayn
Himilada dhulkiisiyo
Sharaftiisa dhaafsaday
Dhubuq-dhubuqda sheekada
Dharaar iyo habeenkeed
Afka gacanta hoos dhigay
Wixii uu wacdaro dhigay
Sidii loola dheygagay
Xumaatuu dhitaystiyo
Hadba dhiillo mehersaday
Waxaas oo dhibaata ah
Iyo weliba dhii-dhii
kuwa aan ku dhaatiyo
Dhallinyaro ha ulatee
Sooyalku hay dhigo
Maanta waa dharaar wacan
Hadduun baa dhalaadkii
Dhaymaha la saaroo
Dhulku noo iftiimoo
Dhaan negeey fooshoo
Dhirtu wada magooshee
Dheeraad nin doonoow
Dhaqankii xumaa iyo
Adoo haanta dhabaqsaday
Amma dhiilka heensaday
Dhag-dhagiyo haddi sacab
Dad ku so dhaweyn jiray
Taasi wey dhammaatoo
Dhaarbaa ka taalloo
Dhici-doonimaysee
Adna teello hay dhigan
Waxba teello hay dhigan

Dr. Abdirahman Beileh November 17, 2018
Developed by Jago Desain