Burcadbadeedii lagu qabtey Xeebaha Soomaaliya oo la geeyay...

Burcadbadeedii lagu qabtey Xeebaha Soomaaliya oo la geeyay...

Lix nin oo loogashakisan yahay inay yihiin burcad-badeed oo dhawaan ciidamada Midowga Yurub [Atlanta] ku qabteen xeebaha koonfureed ee dalka Soomaaliya horaantii bishan ayaa loo wareejiyay dalka Seychelles

.Saraakiisha Seychelles ayaa xaqiijiyay in raggan laga dejiyay saaka oo khamiis ah dekedda magaalada port of Victoria, ee caasimadda dalka Seychelles, waxaana lagu wareejiyay ciidamada amaanka dalkaasi.

Raymond St Ange, oo ah ku simaha Taliyaha xabsiga Montagne Posee, ayaa sheegay in raggan lasoo taagi doono Maxkamad loogu tala galay burcad-badeeda, kadibna lagu qaadi doono waxay mutaystaan.

"Heshiis ay galeen Midowga Yurub iyo Seychelles oo ah in dalkaasi lagu maxkamadeeyo burbad badeeda ayaa jira oo lagu keenay lixda nin ee laga soo qabtey biyaha dalka Soomaaliya," ayuu yiri St Ange.Laakiin xukunkooda wuxu ku xiran yahay cadeymaha la horkeeno Xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Lixdan qof oo dhalinyaro u badan, ayaa waxaay gacanta ku dhigay ciidamada badda dalka Talyaaniga, ee qeybta ka ah howlgalka Atlanta xilli ay isku dayayeen inay afduubaan Markab ku shareecanayay calanka dalka Seychelles iyo dooni kalluumeysi intii u dhaxaysay 18 ilaa 19-kii bishan November.

Ciidamada Talyaaniga oo watay markab dagaal oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan, ayaa kahor tagey afduubka markabka iyo doonta, iyagoo qabtay Lixda burcadbadeeda ah iyo doontii ay howlgalka ku fulinayeen.

Diyaarad helicopter ayaa dusha ka aragtay raggan iyagoo rasaas ku ridayay Markabka ay afduubka u geysan rabeen, kadibna waxay wargelisay ciidamada Talyaaniga oo usoo gurmaday.

Waxaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya bilooyinkii lasoo dhaafay dhowr isku day oo afduub ah, taasi oo walaac ku abuurtay maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, oo ka baqayo inay dib dib usoo xoogeystaan falalka burbadbadeedka, oo hoos u dhacay wixi ka dambeeyay 2011.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa lagu amaanay inay hoos u dhigeen aduubka maraakiibta, balse waxaysan wali ku guuleysan inay dabar-gooyaan waxa keenay [root causes] burbad-badeednimada.

Falalka Burcad-badeed ee Soomaaliya ayaa loo sababeeyaa dowlad aan awood lahayn oo dalka ka jirta, sabool-tinimada/faqriga iyo dhaqaalo la'aanta keentay inay yaraadaan fursadaha shaqo ee dhalinyarada.
Developed by Jago Desain