Maxaa Ka Jira in cashuurta dekeda boosaaso ee ka istaagaysa xukuumada Puntland ay ku badalayso kordhinta Cashuuraha berriga

Maxaa Ka Jira in cashuurta dekeda boosaaso ee ka istaagaysa xukuumada Puntland ay ku badalayso kordhinta Cashuuraha berriga
Shirkii Todobaad laha ahaa ee gollaha xukuumadda Puntland ay yeelan jireen khamiis walba ayaa waxaa shirkii ugu danbeeyay looga hadlay  in 1da bisha December ee soo socota dawladu puntland ay  bilaabi doonto dardargelinta canshuuraha Biriga, gaar ahaan canshuuraha qadaraasleyda, Gaadiidka iyo canshuuraha Iibka.

talaabadan ayaa dad badani u fasirteen inay tahay talaabo ay xukuumada Madaxwayne C/wali maxamed cali gaas ay ku wajahayso hakad iyo hoos u dhac laga filaayo cashuurihii ka soo xaroon jiray Dekeda Boosaaso oo ah isha kowaad ee dhaqaalaha uga soo xaroon jiray Dawlada Puntland oo lagu wareejiyay Shirkada DP wolrd iyo laanteeda P& O Ports 

waxaa nasiib xumo ah in wakiiladii iyo golihii wasiirada ee shacabka matalaayay in ay ogolaadaanin  shicibka taagta daran lagu kordhiyo cashuurta iyadoo ay arkaan oo u jeedaan dhibaatada iyo dhaqaala xumida ka taagan wadanka iyo suuq xumida iyo sicir bararka 

talaabadan ayaan lagaranayn siday u wajihi lahaayeen oo dadka ugula hortagi lahaayeen bulshada wasaaradaha loo xilsaaray oo kala ah Wasaaradda Maaliyada , Wasaaradda Arrimaha gudaha, Wasaaradda hawlaha guud iyo Wasaaradda Amniga.


sawirka waxba laga badalay - xuquudiisu waxay u  xafidantahay ciddi lahayd markii hore 

Developed by Jago Desain