Wararkii ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Hir-shabelle

Hir-shabeelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee soo magacaabista Golahiisa Wasiirada Cusub.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan madaxtooyadda Hir-shabeelle Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle, kadib markii uu safar ku tagay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku qulqulaya siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa Magaaladda Jowhar kula kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada Hir-shabelle isagoonakala hadli doona magacaabista golahiisa wasiirada cusub, oo lafilayo in aysan kasoo dhex muuqan xildhibanada baarlamaanka Maamulkaas.
Developed by Jago Desain