XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Safar deg deg ah ku aadaya Dalka Kenya, Sababta Ogow

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Safar deg deg ah ku aadaya Dalka Kenya, Sababta Ogow

Madaxweynaha Dowladda Federaalkaah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Farmaajo waxaa uu Nairobi uga qeyb galayaa xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kentta oo berri la caleemasaarayo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka mid yahay 11 Madaxweyne oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Uhuru,waxaana Madaxweyna Kenyatta uu ka mid ahaa Madaxdii 22kii February ee Sanadkan Muqdisho uga qeybgalay Caleemasaarkii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda kale ee ka qeybgaleysa Caleemasaarka Uhuru Kenyatta waxaa ka mid ah; Yoweri Museveni ooka socda Uganda Uganda, Madaxweynaha Botswana, Ian Khama, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, John Pombe Magufuli oo kasocda Tanzania, Edgar Lungu oo ka socda Zambia, Ismaïl Omar Guelleh ka socda Djibouti, Madaxweynaha Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbé oo ka socda Togo iyo Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn of Ethiopia.

Madaxweyne ku xigeennada ka qeybgelaya Caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah; Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi, iyo Yemen.Senegal, China iyo Japan,ayaa u diri doona Wakiillo,halka Waddamada Koofur Afrika ,Britain, Ukraine, iyo Hindiya ay wasiirro u diri doonaan Nairobi.
Developed by Jago Desain