Akhriso Shuruudaha damaanadda ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Akhriso Shuruudaha damaanadda ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

waxaana wararku intsibku daraayaan inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen:

1.Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
2.Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare
3.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed

C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaala sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Shuruudaha lagu sii daayey:
1) Inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto
2) Inuusan ka hadli karin Saxaafadda iyo inuusan adeegsankarin Baraha Bulshada
3) Inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Marqaatiyaasha iyo baarayaasha gal dacwadeedka Maxkamadda la geeyey
4) Inuu yimaado Maxkamadda xilli walba oo looga yeero
Developed by Jago Desain