Akhriso Warqad C/raxmaan Cabdi shakuur Uu U Diray Imaaraadka Carabta

Akhriso Warqad C/raxmaan Cabdi shakuur Uu U Diray Imaaraadka Carabta
Warqadda oo lagu qorey Afka Carabiga ayaa si weyn u dhex taalla baraha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in dalka Soomaaliya siyaasiyiin doonayaan inay hoos geeyaan dowladda Imaaraadka carabta.

Qoraalka ayaa waxa ku cad in Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaatey lacag gaareysa 36 Milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo Xisbiga wadajir, laguna kala fur furo siyaasiyiinta dowladda taageersan.

Sidoo kale warqada ayaa wax ku cad in dib loosoo celiyo sida ay sheegayaan xiriirkii dowladaha Carabta iyo in dalka Soomaaliya laga badbaadiyo dowladda Turkiga si awood ay ugu yeeshaan dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxa kaloo ka muuqada qoraalka in uu jiro shir la doonayo in la qabto horaanta sanadka cusub bartamaha Bisha Janaayo, kaas oo ay isugu imaand doonaan maamul Goboleedyada dalka, Xisbiyada taageersan Wadajir iyo dowladda Imaaraadka oo qorsha uu yahay in uu ka qabsoomo magaalada Dubai.

Qoraalka ayaa si gaar ah loogu mahadceliyey Imaaraadka oo door muhiim ah ka qaadaneysa sidii awood siyaasadeed iyo mid Milateri loogula dagaalami lahaa dowladda Soomaaliya.



Developed by Jago Desain