Caano carruur oo caan ah oo la ogaaday in ay sumaysan yihiin

Caano carruur oo caan ah oo la ogaaday in ay sumaysan yihiin

Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Lactalis ee samaysa caanaha carruurta ayaa amartay in dib loogu soo celiyo caanaha ay soo saareen meeshay doonaanba caalamka haka yaalaan ee, iyaga oo ka cabsi qaba in ay ku jirto bakteeriyada wax qudhmisa ee salmonella.
Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegay in ay 26 carruur ah oo dalkaas ku nool ay xannuunsadeen horraantii bishii Disembar.
Dib u soo celinta ayaa saamayn doonta caanaha loo suuq geeyay Britain, Shiinaha, Pakistan, Bangladesh iyo Suudaan.
Waxay saamaynaysaa boqolaal caano daqiiq ah oo dunida loo suuq geeyo iyagoo kala ah noocyada Milumel, Picot iyo Celi.
Lactalis waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waawayn dunida ee caanaha soo saara.
Michel Nalet oo ah afhayeen u hadlay shirkadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ku dhawaad 7,000 oo tan oo wax soo saarkooda ah ay wasakhoobeen, laakiin shirkaddu aysan wali awoodin in ay sheegto inta la isticmaalay ama xaddiga wali suuqyada yaalla.
Lactalis ayaa rumaysan in bakteeriyada salmonella ay ka soo raacday dhisme ay leedahay shirkadda oo ku yaalla magaalada Craon ee waqooyiga-galbeed ee Faransiiska, dhismahaas ayayna ku qalajinaysay caanaha daqiiqda ah.
Dhammaan caanihii lagu sameeyay halkaas tan iyo bartamihii bishii Feebaraayo ayay shirkaddu dalbatay in loo soo celiyo waxayna qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay mashiinada kaga dilayso bakteeriyada.
Developed by Jago Desain