Cumar Cabdirashiid Oo Baajiyey Safar Uu Ku Imaan Lahaa Magaalada Muqdisho Iyo Warar Sheegaya Halka Uu Ka Degi Doono

Cumar Cabdirashiid Oo Baajiyey Safar Uu Ku Imaan Lahaa Magaalada Muqdisho Iyo Warar Sheegaya Halka Uu Ka Degi Doono

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa lagu soo waramayaa in uu qorsheenayey in safar uu ku yimaado oo uu kasoo dego magaalada Muqdisho.

Siyaasigan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Mucaaradka Shisheeye kalkaalka ah ayaa maalinta berito ah lagu wadey in uu soo gaaro magaalada Muqdisho, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ka baaqsadey safarkii Muqdisho.

Arimahan ayaa waxa loo sababeeyey in uu ka cabsi qabo xarig dowladda fedaraalka ay kula kacdo, iyadoo la sheegayo in Siyaasigan loo jarey warqadii lagus oo xiri lahaa.

Magaalada Garowe Caasimada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa la sheegeyaa in safarkiisa uu u weeciyey, waxaana halkaas ku sugan xubno ka mid ah Xukuumada Cabdiweli Gaas oo xulafo ay ka wada ahaayeen qorshaha Imaaraadka.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa laga yaabaa in ay la degto duufaanta Muqdisho oo xabsiga dhigety siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maalmihii lasoo dhaafey Muqdisho ka wadey olole xoogan oo lagu duminaayo dowladda Soomaaliya.-
Developed by Jago Desain