Dalalka Islaamka oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Falastiin

Dalalka Islaamka oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Falastiin


Shirkii maanta ee wadamada Islaamka ee istanbul oo ay ka qeyb galeen 58 wadan, ayaa laga soo saaray baaq ah in Caalamka si buuxda u aqoonsado dowlada Madaxa banaan ee Falastiin.
Dalalka Islaamka ayaa warmurtiyeedkooda ku sheegay in ay u aqoonsadeen Bariga Qudus caasimada Falastiin oo la heysto, iyagoona sheegay in ololaha aqoonsi raadin ay ka bilaabi doonaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyagoo kaashanaya dalalka kale ee caalamka ee taageersan qadiyada Falastiin.
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo xiligan ah Guddoomiyaha ururka Iskaashiga dalalka Islaamka soona abaabulay shirkaan aan caadiga ahayn ayaa khudbad qiiroleh kasoo jeediyey, wuxuna khudbadiisa u isticmaalay sawiro muujinaya dhul boobka Israel iyo qaabka ciidamada Israel ulla dhaqmaan shacabka Falastiin.
Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa isaguna shirka ka shaaciyey in Falastiin aysan mar danbe ogolaan doonin in Maraykanka uu garwadeen ka noqdo wadahadalka Falastiin iyo Israel.
Shirkii maanta ayey ka maqnaayeen hogaamiyayaasha dalal dhowr ah sida xulafada Sacuudiga, Imaaratiga iyo Masar oo shirkan usoo diray wafuud heer Wasiir ah.
Iran oo cambaareysay Sacuudiga
Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ayaa khudbadii uu shirka kasoo jeediyey weerar dadban ku qaaday Sacuudiga, isagoo yiri:
‘…Tilaabada Trump maba dhacdeen hadii uusan dhiirigelin ka helin Dalalka Carab ah oo doonaya inay isbaheysi la sameystaan Israel..’
Inkastoo dalalka Islaamka sheegeen inay Qudus u aqoonsadeen caasimada Falastiin ayaan hadana arrintan wax weyn ka bedali doonin xaalada ka taagan dhulka Falastiin oo ay cudud militari ku heysato Israel, balse waa go’ aan cadaadi ku saari kara Israel golayaasha iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Developed by Jago Desain