DEGDEG: magaalada Boosaaso oo lagu dilay askar katirsan ciidamada Puntland

DEGDEG: magaalada Boosaaso oo lagu dilay askar katirsan ciidamada Puntland

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta lagu dilay magaaladaasi laba Askari oo ka mid ahaa kuwa Canshuurta qaada xili ay ku sugnaayeen Suuqa Magaaladaasi.

Rag ku hubeysan Bustoolado ayaa la sheegay in 2 Askari oo ka tirsanaa kuwa Canshuurta qaada ay si gaadmo ah ku toogteen iyaga oo Goobta ka baxsaday.

Maydka labada Marxuum, ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada Askarta la dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntlnd ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano walow asyan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Ma’ahan markii ugu horreysan oo Askar ka tirsanaa kuwa Puntlabd lagu dilo Boosaaso, waxaana Magaaladaasi badi ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan halkaasi Al Shabaab.
Developed by Jago Desain