Dhaxal sugaha Sacuudiga oo loo aqoonsanaayo qaswade boholo mugdiya kuwada mustaqbalka wadanka

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo loo aqoonsanaayo qaswade boholo mugdiya kuwada mustaqbalka wadanka

Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay inay xayiraad kusoo rogto amiirka dhaxal sugaha ah ee dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman oo lagu eedeeyay xadgudubyo loo geystay Yemen.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa QM ugu baaqday inay hakiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada Bin Salmaan, iyadoo loo aqoonsan doono qaswade.Akshaya Kumar, oo ah ku-xigeenka Agaasimiha hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, ayaasheegtay in Bin Salmaan uu halis ku yahay rajada shacabka Yemen, waxa ayna ku talisay in la cunaqabateeyo.

Akshaya Kumar, waxa ay sheegtay in dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya uu ka masuul yahay xadgudubka gudaha Sacuudiga iyo dhibaatada bani’aadamnimo ee sii socota ee ka jirta dalka deriska la ah ee Yemen.

”Kumar ayaa sheegtay in dib u habeynta Mohammed bin Salman, sida haweenka u oggolaanaya in ay wadaan gawaarida, furitaanka waxbarashada jimicsiga ee gabdhaha, iyo masraxyada filimka in ay furaan, ay ahaayeen tallaabooyin muhiim ah, balse waxa ay ka digtay dhibaatooyinka Amiirka u ka gaysanayo meelaha kale.

Akshaya Kumar, oo arrinkaas ka hadlaaya ayaa tiri “Dagaalka Yaman, iyo doorka weyn ee xilka wasiirka difaaca, ma aha kuwa si aan fiican u sharxi kara hoggaamiye dhalin-yar ah,” oo aragti iyo isbadal doon ah ayay tiri.

Dhinaca kale, Kumar ayaa hadalkeeda raacisay maaddaama xaddidaada la saaray Yaman ay halis galinayso qarkana ay u saaranyihiin malaayiin qof macaluusha iyo faafinta cudurrada caadiga ah ee la daweyn karo, ma aha in Amiirka Mohammed bin Salman loo ogolaadoinuu suubiyo waxa uu rabo.
Developed by Jago Desain