Hay'adda UNICEF oo ka digtay carruurta isticmaasha internetka

Hay'adda UNICEF oo ka digtay carruurta isticmaasha internetka
Hay'ada dhalaanka aduunka UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tillaabooyiin dheeraad ah oo da'yarta loga ilaalinayo waxyeelada internetka.
Hay'ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin waliba in ka badan 170,000 oo caruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday caruurta isticmaala bogaga wax lagu qor .
Hay'ada caruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da'da dadka isticmaala internetka.
Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu ay heerka ugu sareeyaan gaarsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee caruurta.
xigasho : BBC Somali service 
Developed by Jago Desain