SAWIRO: Kaamero qabatay doofaarka ugu fool xun dunida

SAWIRO: Kaamero qabatay doofaarka ugu fool xun dunida
Saynisyahanno ayaa qaaday sawirkii ugu horreeyey doofaar duurka ku jira oo ah nooc dhif iyo naadir ah, oo ah kan ugu foolxun doofaarrada.
Doofaarkan oo loo yaqaanno doofaarkii Java ayaa waxaa haysta khatar uga imaanaysa bani'aadmiga iyo bii'adii uu ku noolaa oo sii lumaysa, waxayna dadka deegaanka u ololeeya rumaysan yihiin inuu dabar go' qarka u saaran yahay.
Kaamarooyin geedaha lagu xiray ayaa muujinaya in tiro yar oo ah doofaarka uu weli ku sii nool yahay kaymaha kala qoqoban ee Java.
Saynisyahannadu waxay iminka sheegayaan inay ka shaqaynayaan sidii loo dhowri lahaa bii'ada uu xawaankaas sii dabar go'aya ku nool yahay.
Kaamerooyinkan waxay la socdaan dhaqdhaqaaqa, waxayna sawireen doofaarrada JavaLahaanshaha sawirka_
Image captionKaamerooyinkan waxay la socdaan dhaqdhaqaaqa, waxayna sawireen doofaarrada Java
Sahankan waxaa hor kacayey Dr Johana Rode-Margono oo ka socota beerta xayawaanka ee Chester, oo sheegtay in ayada iyo saaxiibadeed ay ku farxeen inay arkaan doofaarradaas oo weli halkaa ku nool.
Daraasaddii ugu dambaysay ee laga sameeyey aaggaas kaymaha joogoodu hooseeyo ah ayaa ku beegnayd 2004tii, waxaana lagu ogaaday "inay aad u yaraatay" tirada doofaradaas.
"Waxaan aad uga welwelsanayn in dhamaantood ama badidood ay dabar go'aan" ayey tiri Dr Rode-Margono.
Inkastoo aysan doofarradaas dhogorta badan ahayn kuwa ugu qurxoon xagga sawirka jasiiradda Java, haddana Dr Rode-Margono waxay sheegaysaa inay kaalin weyn ka cayaaraan dabeecadda kaynta, sida carro geddinta iyo baahinta miraha, bacdamaa ay u daaq tagaan dhul aad u baahsan.
Bii'adii xayawaanaka waxaa ku soo durkay dadkii oo beertayLahaanshaha sawirka_
Image captionBii'adii xayawaanaka waxaa ku soo durkay dadkii oo beertay
Jasiiradda Java oo ah tan ugu dadka badan Indonesia, waxay kaloo astaan u tahay sida ay dadku ugu sii durkayaan kayntaas roobka ku baxda.
Doofaarradaas ayaa dhul daaqsimeedkoodii waxaa ku soo durkay dad doonaya inay beertaan iyo kuwo deegaan ka samaystay, waxaana halkaa ka dhashay iska hor imaad inuu dhex maro dadkii iyo xayawaankii.
Todoba goobood oo ka mid ah meelaha ay saynisyahannadan tageen ayagoo isticmaalaya kaamerooyin dhaqdhaqaaqa la shaqeeya, ayey seddex ka mid ah oo kaliya ku arkeen doofaarrada Java.
"Taasi micnaheedu waa in khatartu ay weli jirto, haddii aynaan wax ka qabanna tiro badan oo dheeraad ah ayaa la weyn doonaa" ayey tiri Dr Rode-Margono.
Doofaarka la tarmiyo waxaa lagu sii deyn doonaa kaynta haddii layntiisa la joojiyoLahaanshaha sawirka_
Image captionDoofaarka la tarmiyo waxaa lagu sii deyn doonaa kaynta haddii layntiisa la joojiyo
Mid ka mid ah xarumaha xayawaanka ee Java ayaa durba waxay billowday in ay tarmiso doofaarka Java.
"Weli rajo ayaa jirta" ayey Dr Rode-Margono ku tiri BBC. "Hadii ay noo suurtogasho in aan samayno mashaariic deegaanka lagu dhawrayo, waxaa dhici karta in aan badbaadino" ayey tiri.
"Aniga xaggayga, ma fool xuma ee way qurxoon yihiin" ayey ku dartay.

Xigasho : BBC somali
Developed by Jago Desain