DEG DEG:Madaxweynaha Puntland oo Mooshinkii ugu cuslaa laga wado & Gudoomiyihii Baarlamaanka oo 48 Saac ….

DEG DEG:Madaxweynaha Puntland oo Mooshinkii ugu cuslaa laga wado & Gudoomiyihii Baarlamaanka oo 48 Saac ….

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in xulufo siyaasadeed oo isku dhaf ah ay mooshinkii ugu cuslaa ka wadaan madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Mooshinkan laga wado madaxweyne C/weli Gaas ayaa isugu jira arimo badan oo madaxweynaha lagu dhaliilsan yahay sida siyaasada arrimaha gudaha Puntland,dhaqaalaha, musuq maasuq ragaadiyey xukuumaddiisa, sicir barar, dagaalo iyo maamulka madaxwayne Gaas oo ku fashilmay xasiloonida iyo wax ka qabashada dagaalada ka socda qaybo kamid ah Koonfurta gobolka Sool.

Sidoo kale mooshinkan oo ay bah wadaag ku noqdeen siyaasiyiin badan, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa ugu dambeyntii lugaha lasoo galay sida uu Puntlandnews.net u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo maalmihii ugu dambeeyey ay isku qabteen madaxweynaha qaabka dowladda u wajahday daminta colaadaha weli ka socda Koonfurta gobolka Sool, waxaana uu Mr. Camay ku eedeeyey madaxweyne Gaas in ciidamadiisa madaxtooyada Puntland ay qayb ka noqdeen Malayshiyaadkii ku dagaalamayey deegaanka Qoriley kuwaas oo uu ku fashilmay sida uu sheegay wax ka qabashadooda madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo masuuliyiintan bah wadaagta ku noqday mooshinka xilka looga tuurayo madaxweyne Gaas ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland u qabtay in uu kusoo xaadiro gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland muddo dhan 48 Saacadood oo kaliya si loo meel mariyo mooshinkani.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo uu uga qayb galay shirka wada tashiga Baarlamaanada heer federaal iyo heer dowladd gobeleedyada oo ay marti galisay dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo lagaga hadlayey qaabkii ay u wada shaqayn lahaayeen Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Lama oga halka ay sal dhigan doonto xaalada haatan soo wajahday madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaabka loo mari doono hirgelinta mooshinkaasi, inkastoo Madaxwayne Gaas uu isna wato xubno la bah wadaag ah oo diyaar u ah mar walba in ay difaacaan siyaasadiisa.

xigashi: Warsidaha Puntlandnews
Developed by Jago Desain