Xog Culus: Go' aanka Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo cuksaday heshiis Siyaasadeed

Xog Culus: Go’aanka Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo cuksaday heshiis Siyaasadeed

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa Maanta ku dhawaaqay inaan wax dambi ah lagu heyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo sheegay inaan xeer ilaalinta laga helin caddeymo ku filan kiiskaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan qaabkii loo maray go’aanka Maxkamadeynta Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Heshiis Siyaasadeed:

Sida aan xogta ku helnay Odayaasha, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka iyo waxgaradka Beesha Hawiye ayaa dowladda Soomaaliya kala hadlay in kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhameeyo qaab siyaasadeed isla markaasna aan lagu deg degin in maxkamad lasoo saaro, iyadoo laga fogaanayo inay arrintaas dhaliso xasarad Beeleed.

Dowladda Soomaaliya oo cadaadis badan kala kulantay Beesha Hawiye ayaa ugu dambeyntii ku qancisay in Kiiska maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur la marsiin doono Process maxkamadeed oo fudud isla markaasna uu go’aankeeda noqon doono mid aan dambi lagu helin Siyaasigaan, maadaama ay xaaladda gaartay meel aad u sareyso.

Iyadoo arrintaas laga duulayo dowladda Soomaaliya ayaa kiiskaan u xil saartay guddi ka kooban xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, Qaar ka tirsan Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo odayaal kale, waxaana lagu heshiiyey in kiiskaan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjaro si loo damiyo xasaradda ka dhalatay oo isku badali rabtay mid Beeleed.

Guddigga ay dowladda u saartay arrintaas oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu heshiiyey in meesha looga saaro dacwadda ay waddo xeer ilaalinta isla markaasna Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga bari yeelo eedeemaha lagu soo oogay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo fulinayo heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Beelaha Hawiye ayaa xeer ilaalinta Qaranka ku adkeeyey keenista Caddeymo iyadoo loo qabtay waqti aan ku filneyn isla markaasna wax kasta laga soo dhigay mid kadis ah.

Dambiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lugaha la galay Siyaasiyiin badan

Dambiga Qaran dumisnimada ah ee lagu soo eedeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lugaha la galay Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxayna Odaayasha Hawiye codsadeen in dhammaatood lasoo taago Maxkamadda ama la joojiyo kiiskaan.

Dowladda Soomaaliya oo aysan u saamixi karin inay Xildhibaano xasaanadda ka qaado waqtigaan isla markaasna ay siyaasiyiin badan soo taagto Maxkamad ayaa go’aansatay in kiiskaan gebi ahaanba dariishada laga saaro, maadaama Soomaaliya aysan hadda ku jirin xaalad qofka dambiilaha ah lasoo taago maxkamad sida ay ku dooday dowladda.

Mid kamid ah Xubnaha heshiiskaan daaha gadaashiisa ah fuliyey oo Caasimadda Online la hadlay ayaa noo xaqiijiyey in kiiskaan loo maray hab siyaasadeed isla markaasna laga shaqeeyey in go’aanka maxkamadda lasoo dadajiyo isla markaasna aan wax dambi ah la saarin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maadaama ay sidaas ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo xubno sar sare oo ka tirsan Beesha Hawiye oo xarigaan si weyn uga carooday.
Waxaan idiin xaqiijinayaa in maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur loo maray hab siyaasadeed kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo Beesha Hawiye, si loo damiyo xasaradda ka dhalatay xarigaan” ayuu yiri Xubin kamid ah guddiga loo xilsaaray oo la hadlay Caasimadda isla markaasna diiday in magaciisa loo adeegsaday warbaahinta.

Dadka Kiiskaan lugaha uu lasoo galay ayaa waxaa kamid ah XIldhibaan ay isku heyb yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasoo adkeysay in kiiskaan lagu kala baxo maxkamad caddaalad ah, waxaana laga cabsaday inay dhaliso xasarad kale oo middaan ka weyn sida uu Caasimadda u xaqijiyey Shakhsigaas diiday inaan magaciisa baahino.

Xigasho : Caasimada Online
Developed by Jago Desain