Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Aleenka gacantu ama telefoonka gacantu- hadba sida aad u taqaano- beryahan danbe waxa uu noqday walax nolosha aan sinaba looga maarmin. Hawl- maalmeedka caadiga ah ayuu si xawli ah ugu sidkan yahay, haddii aanu ahaynba dhufsaneyaraha shaqo-maalmeedku wadaagaan. Isticmaalkiisu waxa uu si weyn u labalaxaadsaday sanadihii u danbeeyey oo horumar dhinaca teknoolojiyada ah Aadamuhu sameeyey. Horumarkaasi ayaa dhinaca kalena, gaar ahaan geyigeenna, suurtagaliyey helitaanka aleen casri ah oo inoo qabta adeegyo badan oo kala baaxad weyn. Waa kalkan marka uu ku biirayo madhaafaanka nolosha.
Halkii awal aad aaladdo fara badan u baahnayd si aad hawlo kala duwan u hesho, hadda aleenka gacanta ayaa kugu filan. Si dul-ka-xaadis ah, adeegyada ama hawlaha aleenka gacantu aalaaba inaga haqabtiro, waxa ka mid ah.
1. War-is-gaadhsiiye
Waa barta koowaad ee Aadamaha kala maqan xidhiidhisa, hadday noqoto hadal, cod la isku duubo, fariimo qoraal ah oo gaagaaban oo la is weydaarsado iyo wadahadal maqal iyo muuqaal ba ah.
2. Jeeb
Haddii aad beryihii hore lacagta aad u baahan tahay jeebka ku qaadanaysay, ama boorso yar oo lacagi ku jirto aad jeebka danbe ku ridan jirtay, si aad ugu muraadsato, hadda aleenka gacanta ayaa kaaga filan. Gaar ahaan inta ay soo ifbaxeen adeegyada Zaad/E-Dahab ama Mpesa (haddii aad joogto Kiiniya), lacag caddaan ah inta la qaataa way yar tahay, maxaa yeelay, lacag hawo ah oo aleenka ku jirta, ayaad ku adeeganaysaa.
3. Musxaf
Si aad qalbigaaga ugu xasiliso qawlka Alle, haddii aad u baahan jirtay kitaab Quraan ah, maanta mar kasta oo aad damacdo Quraan akhris, telefoonka gacanta ayaad ka raacan kartaa. Waxa intaasi dheer, haddii aad qalbigaaga quraan dhegaysi ugu raaxeynayso, aleenkaaga ayaad ka helaysaa qiraa’ada quraanka eed rabto.
4. Xusuusqor
Haddii aad sidayda jeceshahay inaad dhitayso dhacdooyinka ku saameeya amaba harreerahaaga ka dhacaya ase aanay qallin iyo buug kaa ag dhawayn, aleenkuba hadda shaqadaas waa qabtaaye xisaabta ku darso. Marka laga yimaado dhitaynta dhacdooyinka maalinlaha ah, waxaad aleenka ku kaydin kartaa fikradaha maankeena ku soo maaxanaya ee diiwaangalinta degdega ah aan looga maarmin.
5. Kamarad
Inta badan aleenka gacantu, gaar ahaan noocyada danbe, waxay dhammaan ku qalabaysan yihiin kamarad sawiro wacan kuu qaadi karta. Waa sawirkii ilqabatin leh ee aad aragtaba qaado oo taariikhda gasho. Beryihii hore kamarad ayaa la soo gadan jiray si sawiro la iskaga qaado, balse taasi maanta waa taariikh. Inaad sawir muuqaal wacan iska qaado ama cid ka qaado, aleenkaaga oo aad hawlgaliso ayaa kaa xigta. Ku darsoo wuxuu kugu saacidi karaa waliba, waa haddii aad doorbidee, goobta sawirka lagu galay iyo taariikhda la qaaday. Beryahan danbe ololaha igu sawir ayaad moodaa inuu adeegan nuxur tiray. Yeelkadeede, waa adeeg marka aad u baahto, si fudud aleenka aad ugu qabsan karto. Ka hadli maayo dadka sida gurracan u adeegsada ee muuqaaladda Aadamaha dhallangadiya.
6. Hage/Jiheeye
Marka aad safarto ama ba aad ku nooshahay magaalo weyn asee aanad qaybaheeda kala hubin, aleenka gacantu hage iyo jiheeyeba waa noqdaaye haddee garo. Jeer aad ka dhargiso xog sugan oo uu ku hawlgalo, sida barta aad ka dhaqaaqayso iyo barta aad ku egtahay, aleenkaagu wuu ku jid marinayaa, sida uu kuu daadihinayo ayuun buu bartii muraadkaagu ahaa ku furayaa. Isla jeerkaas, haddii aad ka shakido jihada qibladu kaa jirto, sababtii la doonaba shakigaasi ha ku yimaadee, mar kale telefoonka gacantu waa ku kabayaa oo ku tusayaa jihada aad u cibaadaysanayso.
7. Saadaaliye
Ma ku nooshahay deegaamada cimiladooda aan la isku halayn karin ee ay mar walba wax isbeddelaan. Haddii jawaabtu haa tahay, aleenka gacantu shaqo fiican ayuu qabtaaye la soco. Wuxuu kuu saadaalin karaa heerkulka, roobka, heerka dabaysha iyo amminta gabbal-dhaca iyo waaberiga.
8. Gacanyare
La arkee in adeegani aleenada qaar ku kooban yahay, balse aleenka gacantu xoghayn ama gacanyare gaar ah waa kuu noqon karaa, waanu ii yahay aniga. Tusaale ahaan, haddii aad gaadhi wadato, qoyskaagiina aad ka daahsan tahay, Siri (oo aan anigu u aqaano Saacid), ayaad ku odhan kartaa, xaaskaygii farriin u dir oo u sheeg inaan ilaa saacad soo daahayo. Sidoo kale gacanyaraha waxaad uga faa’iidaysan kartaa inuu balan kuu sameeyo. Kal kale, gacanyaruhu wuxuu warbixin kaa siin karaa heerka saxmadda ee jidadka, maqaaxida kuugu dhaw ee aad koob bun ah u doonan karto, farmasiga kuugu dhaw ee aad kiniin madax-xanuun ka iibsan karo, iwm.
9. Maktabad
Aleenku maktabad aad wax ka daalacato, garashadana ku cariso, haddii aad ka dhigato, waa kuu noqon karaa. Aniguba kutub iyo qoraallo badan oo aan akhristo ayaan ku kaydsadaa, kana daalacdaa, marka aan u qasdiyo.
10. Idaacad
Markaaad u baahato inaad idaacad dhegaysato si aad ula socoto hawaalaha dunida, aleenka gacantu hadda raadyowna waa noqdaaye la soco. Warka maxaliga ah iyo ka dunidaba marka aad u baahato, wuxuun baad ka dhegaysan kartaa telefoonka gacanta
11. Muuqbaahiye
Muuqaalbaahiye markay noqoto miyaa, kaalintaasi Alla ilehe aleenku waa ku filan yahay. Haddii ay noqoto wararka iyo barnaamijyada ka socda muuqaal-baahiyayaasha qaarkood iyo haddii ay noqoto dhacdo muuqaal ah ba, labada ba waa ka adagyahay.
12. Scanner (Dheege)
Marar badan bay dhacdaa adiga oo aan joogin meel xafiis ah inaad u baahato shaqo xafiiseed, sida warqad la saxeexo, la sawiro, ka dibna biligdiraha lagu diro. Telefoonada danbe ee casriga ahi wadarta adeegyadaas waa kuu fulin karaan. Aleenka la’aantii miyaa, ka tegi mayso inaad horta warqada daabacdo, haddana saxeexdo, ka dib meel waraaqaha lagu dheego la raadsato, haddana internet raadiso. Adeegyadaasi oo hal isku ah ayaad ka helaysaa telka gacanta;
13.  Bangi
Beryahan danbe waxa suurtagal ah inaad ka raysato booqashada bangiga iyo saf dheer oo aad gasho. Aleenka oo aad ku xidho bangigaaga ayaa kuu sahlaya inaad lacag dhigato bangiga ama kala soo baxdo adiga oo telka gacanta kaliya adeegsanay;
14. La taliye
Haddii aanad shay hubin ama macluumaad dheeri ah uga baahan tahay, odaygii Google ayaad aleenka ka galaysaa, xogtii aad u baahnaydna, Ilaahay amarkii ka haqab beelaysaa;
15. Adeegyo kale
Shaqada aleenka gacanta ka geyoon maynee, aan ku soo koobno, adeegyo wax-ku-ool ah oo isku dhafan, kuwaasi ood kala soo dagi karto bakhaarka aleenka. Waxay noqon karaan kuwo madadaalo, aqoon-korodhsi iyo hawl fududayn intaba iskugu jira. Rabbow adiga ayaa Aadamaha farsamadaasi u fududeeyey ee kugu mahad.
WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Developed by Jago Desain