Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool

Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray war adag oo kusaabsan xaaladda ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, halkaas oo ay Somaliland duulaan ku soo qaaday 10 maalmood ka hor lana wareegtay.

Gudoomihaha baarlamaanka ee Puntland Axmed Cali Xaashi oo wariyaasha la hadlay markii uu soo dhamaaday shirkan ayaa cadeeyey in aan marnaba loo dulqaadan doonin faragalinta Somaliland, wuxuuna sheegay in ay baarlamaanku amreen inla qaado Talaabo lagu difaacayo xaduudaha iyo deegaanada Puntland.

Mr, Xaashi ayaa warsaxaafadeedka uu akhriyey waxaa kamid ahaa in si dhaw loola soconayo sidda ay Xukuumaddu hadba u wajahdo xaaladdaha taagan, gaar ahaana waxaa la magacaabay guddi gaar ah oo la socda.Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku amray Xukuumada in ay qaado talaabodagaal oo dhameystiran, ayna tahay waajib dhameystiran oo laga sugayo ayna u balan qaaday Shacabka Puntland ee ay xilalka u hayaan.

Shacabka ayaa loogu baaqay in ay Xukuumada garab iyo Gaashaan ku siiyan sidii ay ugudan lahayd waajibaadkeeda Qaran ee difaaca dalka oo muhiim ah, taas oo laga doonayo in ay taageeraan.

Qaraarka ka soo baxay baarlamaanka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili duleedka Tukaraq ay la mid noqotay Saldhig ciidan, oo ay labada dhinac ee Somaliland & Puntland keenen ciidamadii ugu badnaa oo ay ku doonayaan in ay ku loolamaan gacan kuheynta gobalka Sool.
Developed by Jago Desain