Daawo Video::Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Cadaado Iyo Soo Dhaweyn Cajiib ah

Daawo Video::Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Cadaado Iyo Soo Dhaweyn Cajiib ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), xubnaha labada Golle ee Galmudug iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Markii uu Madaxweynaha tagay Magaalada Cadaado ayuu warbaahinta la halday, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay, maadaama tan iyo saakay oo dhan ay wadooyinka taagnaayeen shacab fara badan oo ku labisnaa dharka Calanka, watayna sawirka Madaxweynaha.

Waxaa lagu Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa in caawa casho sharaf loogu sameeyo magaalada Cadaado, halkaasi oo uu ka jeedin doono khudbad uu dadka kula hadlayo.



Developed by Jago Desain