DEG DEG:Diyaarado Ciidan & Tiknikadii Dagaal ee ugu badnayd oo kusoo wajahan Garoowe iyo

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in diyaaro sida ciidamadii iyo Tiknikadii dagaal ee ugu badnaa abid ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta kasoo dagi doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Ciidamadani oo ku gaashaaman dagaal iyo qalab casri ah ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin ciidamo sugi doona amaanka guud ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo isugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Al-fa Group amaba ciidamada Gaashaan ee loo tababaray fulinta hawlgalada deg dega ah, kuwa madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo Malateri ah oo qayb ka ahaan doona sugida iyo xaqiijinta amaanka madaxweynaha oo maalinta beri ah booqasho rasmi ah ku iman doona magaalada Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan taas oo uga imaanaysa dhinaca dowladda Imaaraadka Carabta oo u maleegaysa madaxweyne Farmaajo qorshe la rabo in lagu qaarajiyo inta uu ku sugan yahay deegaanada Puntland, waxaana sida ay tibaaxayaan xoggaha Puntlandnews.net soo dhoweynta madaxweynaha laga reebi doonaa ciidamada Badda Puntland oo ka amar qaata Shirakadda SARACEN oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo laga yaabo in ay qayb ka qaadato fulinta qorshaha lagu doonayo in lagu qaarajiyo madaxweyne Farmaajo. Dowladda Imaaraadka Carabta iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeya xilaafan siyaasadeed oo aad u xoogan kaas oo marar badan ay isku dayeen madaxda dowladda Imaaraadku in ay qorshe dil ah u diyaariyaan madaxweyne Farmaajo si ay uga takhalusaan kadib markii uu kasoo hor jeestay qorshayaasha ay ku manja xaabinayaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo la wareegista xarumaha dakhliga dalka ee dekaddaha Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in diyaaro sida ciidamadii iyo Tiknikadii dagaal ee ugu badnaa abid ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta kasoo dagi doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.
Ciidamadani oo ku gaashaaman dagaal iyo qalab casri ah ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin ciidamo sugi doona amaanka guud ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo isugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Al-fa Group amaba ciidamada Gaashaan ee loo tababaray fulinta hawlgalada deg dega ah, kuwa madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo Malateri ah oo qayb ka ahaan doona sugida iyo xaqiijinta amaanka madaxweynaha oo maalinta beri ah booqasho rasmi ah ku iman doona magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan taas oo uga imaanaysa dhinaca dowladda Imaaraadka Carabta oo u maleegaysa madaxweyne Farmaajo qorshe la rabo in lagu qaarajiyo inta uu ku sugan yahay deegaanada Puntland, waxaana sida ay tibaaxayaan xoggaha Puntlandnews.net soo dhoweynta madaxweynaha laga reebi doonaa ciidamada Badda Puntland oo ka amar qaata Shirakadda SARACEN oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo laga yaabo in ay qayb ka qaadato fulinta qorshaha lagu doonayo in lagu qaarajiyo madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Imaaraadka Carabta iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeya xilaafan siyaasadeed oo aad u xoogan kaas oo marar badan ay isku dayeen madaxda dowladda Imaaraadku in ay qorshe dil ah u diyaariyaan madaxweyne Farmaajo si ay uga takhalusaan kadib markii uu kasoo hor jeestay qorshayaasha ay ku manja xaabinayaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo la wareegista xarumaha dakhliga dalka ee dekaddaha Soomaaliya.

Xigasho :Puntlandnews
Developed by Jago Desain