DEGDEG adaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in ay Puntland qaadayso jawaab rasmi ah oo ku aadan Daan-Daansiga Somaliland

https://3.bp.blogspot.com/-s6X96o5JCpA/WW3phndw8qI/AAAAAAAARME/smjBl0TDU7IJ3p3agcdvrR1pBPDFL2fIgCLcBGAs/s1600/20170718135504.png

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerarada maamulka la baxay Somaliland, ay ku soo qaadeen Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in talaabada weeraradii ugu dambeeyey lagu soo qaaday Puntland ahaayeen kuwa leh ujeedooyin guracan oo loogu hiilinayo kooxaha Argagixiso.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in ay ciidamada Puntland kufilan yihiin Difaaca dalka, ayna si rasmi ah uga howlgali doonaan jawaabta ay xaqqa uleedahay Somaliland.

Mr, Gaas ayaa ugu yeeray Shacabku in ay qeyb ka noqdaan oo ay garab istaagaan ciidamada Difaaca ee Puntland, si looga hortago talaabo kasta oo ay wadaan kooxaha Argagixisada ah.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay si dhaw ula socdaan ficilada kooxda Hargeysa ay ka wado xaduudaha labada dhinac iyo duulaamada ay soo qaaday.
Developed by Jago Desain