Faahfaahin khasaaraha kadhashay gaari xamuul ah ay saarnaayeen dhallinyaro tahriib u socday oo ay miino kula qaraxday .

Gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dhalinyaro usocotay tahriib ayaa miino kula kacday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal. Axadii lasoo dhaafay ayay ahad markii Dhallinyaro ka kalayimid Magaalooyinka Hargeysa,Burco Boorama iyo goobo kale oo ka mid ah Maamulka Somaliland ayey miino kula qaraxday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal. Guddoomiye ku xigeenka Degaanka Lugahaya ee Gobolka Awdal Cumar Maxamed Dhimbiil ayaa sheegay in Miinadaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dhallinyaradii gaariga la socotay balse khasaare nafeed oo kale uusan ka dhalan. Waxaa uu sheegay in Gaari weyn oo ay Dhallinyarada la socdeen ay Miinada qabsatay iyada oo maamulka degaanka ay qaar ka mid ah dhallinyaradaas gacanta ku dhigeen. Waxaa uu xusay in Dhallinyarada oo u tahriibaysay dalka Yemen ay gaarayeen 40 Qof islamarkaana 15 ka mid ah ay qabteen kuwaas oo dhaawac iyo kuwo bad qaba isugu jira. Cumar waxaa uu sheegay in 25 ka mid ah dhallinyarada ay ku baxsadeen doontii ay markii horeba doonayeen in ay ku tahriibaan,taas oo ula carartay dhinaca xeebaha Dalka Yemen oo uu ku wajahan yahay Tahriibkooda.

Gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen dhalinyaro usocotay tahriib ayaa miino kula kacday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.

Axadii lasoo dhaafay ayay ahad markii Dhallinyaro ka kalayimid Magaalooyinka Hargeysa,Burco Boorama iyo goobo kale oo ka mid ah Maamulka Somaliland ayey miino kula qaraxday degaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.

Guddoomiye ku xigeenka Degaanka Lugahaya ee Gobolka Awdal Cumar Maxamed Dhimbiil ayaa sheegay in Miinadaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dhallinyaradii gaariga la socotay balse khasaare nafeed oo kale uusan ka dhalan.

Waxaa uu sheegay in Gaari weyn oo ay Dhallinyarada la socdeen ay Miinada qabsatay iyada oo maamulka degaanka ay qaar ka mid ah dhallinyaradaas gacanta ku dhigeen.

Waxaa uu xusay in Dhallinyarada oo u tahriibaysay dalka Yemen ay gaarayeen 40 Qof islamarkaana 15 ka mid ah ay qabteen kuwaas oo dhaawac iyo kuwo bad qaba isugu jira.

Cumar waxaa uu sheegay in 25 ka mid ah dhallinyarada ay ku baxsadeen doontii ay markii horeba doonayeen in ay ku tahriibaan,taas oo ula carartay dhinaca xeebaha Dalka Yemen oo uu ku wajahan yahay Tahriibkooda.

Developed by Jago Desain