Madaxweyne Farmaajo oo Saaka kusii jeeda magaalada Guri-Ceel

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud. Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Guri-ceel ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale. Magaalada Guri-ceel waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soiomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha. Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada Guri-ceel in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada. Ammaanka Magaalada Guri-ceel ayaa aa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo gaaray Guri-ceel ayaa sameeyay Howlgal hub ka dhigis ah oo ay ku qaadeen Maleeshiyaad. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka waxa uu ku soo gaba gabeyn doonaa Magaalada Caabud-waa ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Guri-ceel ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Guri-ceel waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soiomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada Guri-ceel in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

Ammaanka Magaalada Guri-ceel ayaa aa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo gaaray Guri-ceel ayaa sameeyay Howlgal hub ka dhigis ah oo ay ku qaadeen Maleeshiyaad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka waxa uu ku soo gaba gabeyn doonaa Magaalada Caabud-waa ee Gobolka Galgaduud.
Developed by Jago Desain